Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona vs Slavia Prague – Ousmane Dembele Oo Ku Soo Laabtay Safka Blaugrana

Advertisements

Barcelona ayaa caawa garoonka Camp Nou waxa ay ku soo dhaweyneysaa kooxda Slavia Parague kulanka afaraad ee wareega group F ee Champions League.

Barcelona ayaa 7 dhibcood ku hogaamineysa Group F halka Inter Milan iyo Borussia Dortmund ay wada leeyihiin afar dhibcood iyagoo caawa ku ciyaaraya garoonka Signal Idunka Park ee kooxda Dortmund.

Tababare Ernesto Valverde ayaa ku soo bilaabay shaxda kulanka caawa Ousmane Dembele kaasoo seegay kulamadii ugu danbeeyay ee horyaalka ka dib ganaax uu ku maqnaa.

Dembele waxa uu ka garab ciyaarayaa xiddiga ay isku wadan yihiin ee Antoine Griezmann iyo xiddiga reer Argentina Lionel Messi.

Dembélé iyo Griezmann ayaa markii ugu horeysay kusoo wada bilowday shaxda Barcelona tan iyo kulankii furitaanka xilli ciyaareedka oo ay guuldarro ka soo gaartay Athletic Bilbao.

Sergio Busquets ayaa ku soo laabtay khadka dhexe isagoo bedelay Arthur halka De Jong iyo Arturo Vidal ay booskooda sii xajisteen.

Dhanka waxaa garabka bidix ku soo bilowday Jordi Alba halka Semedo uu ku laabtay booskiisa daafaca midig iyadoo Pique iyo Lenglet ay daafac dhexe ka ciyaarayaan.

Xiddigaha Faransiiska Samuel Umtiti iyo Ousmane Dembele ayaa dib loogu soo yeeray kooxda iyadoo Umtiti uu dhaawac ka soo kabsaday halka Dembele laga soo tagay kulankii ugu danbeeyay ee horyaalka inkastoo uu ganaaxiisa xilli hore u dhamaaday, labada ciyaaryahan ayaana kursiga keydka ku soo bilowday.

Advertisements

SHAXDA RASMIGA AH:’

Barcelona XI: Ter Stegen, Semedo, Piqué, Lenglet, Alba, De Jong, Busquets, Vidal, Messi, Griezmann, Dembélé.

Slavia Prague XI: Kolar; Coufal, Kudela, Frydrych, Boril; Soucek; Sevcik, Traore, Stanciu, Olayinka; Masopust.

Comments are closed.