Shaxda Rasmiga Ah Ee Aston Villa vs Man City – Sterling Oo Keyd La Geliyay, Aguero & Jesus Oo Ku Soo Wada Bilowday

Advertisements

Manchester City ayaa caawa marti u ah kooxda Aston Villa iyagoo ogsoon in guul ay gaaraan ay ku soo geli doonaan kaalinta labaad ee horyaalka Premier League.

Tababare Pep Guardiola ayaa isbedelo dhowr ah ku sameeyay shaxdiisii kulankii ay ka badiyeen Manchester United lugta hore ee semi-finalka Carabao Cup.

Goolhaye Ederson ayaa ku soo laabtay ilaalinta shabaqa iyadoo Cancelo uu booska ka sii xajisanayo Walker oo kursiga keydka fadhiya halka Fernandinho Stones ay kawada ciyaarayaan wadnaha daafaca dhexe iyadoo Mendy uu sida caadiga aheyd ku soo bilowday booska daafaca bidix.

Dhanka khadka dhexe waxaa iska garab ciyaaraya Rodrigo iyo kabtan David Silva iyadoo uu caawinayo De Bruyen halka ay weerarka hogaaminayaa Gabriel Jesus iyo Aguero iyadoo Mahrez uu ka mid noqon karo seddexda weerar ee afka hore ama afarta khadka dhexe.

Raheem Sterling ayaa kursiga keydka fadhiya si la mid ah Bernando Silva.

SHAXDA RASMIGA AH:

Aston Villa: Nyland, Konsa, Mings, Hause, Elmohamady, Douglas Luiz, Drinkwater, Hourihane, Taylor, Grealish, El Ghazi

Keyd: Kalinic, Chester, Lansbury, Marvelous, Trezeguet, Guilbert, Vassilev

Advertisements

Man City: Ederson, Cancelo, Fernandinho, Stones, Mendy, Rodrigo, D Silva (C), De Bruyne, Mahrez, G Jesus, Aguero.

Keyd: Bravo, Walker, Sterling, Gundogan, Bernardo, Otamendi, Foden.

Leave a Reply

Your email address will not be published.