Shaxda Rasmiga Ah Ee Arsenal vs Olympiakos – Auba Oo Ciqaabtii Ka Baxay Iyo Isbeddellada Uu Arteta Sameeyey

Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates Stadium waxay ku qaabbilaysaa kooxda reer Giriig ee Olympiakos oo lugtii hore ay kusoo garaaceen 3-1, waxaana uu Mikel Arteta kala hor tegay shax uu isbeddel badan ku sameeyey oo uu kaydka u diray qaar ka mid ah xiddigihii guusha u keenay kulankii hore.

Advertisements

Weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emeric Aubameyang ayuu kasoo dhamaaday ciqaabtii tababarihiisu marsiinayay ee uu kaydka ugu diray kulankii Tottenham ee ciyaartii hore, waxaana uu kabtanku mar kale ka hor tegayaa Olympiakos oo uu kulankii hore shabaqeeda soo taabtay.

Arteta ayaa ciyaartan kusoo bilaabay Hector Bellerin, Dani Ceballos, Mohamed Elneney iyo Nicolas Pepe, halka uu kaydka  dhigay Cedric Soarez, Thomas Partey iyo Martin Odegaard, laakiin waxa aan joogay Bukayo Saka oo dhaawac ah.

Xiddiga reer France ee Alexandre Lacazette ayaa kaydka la wadaagaya Gabriel Martinelli, Thomas Partgey, Rob Holding, Pablo Mari, Nelson iyo laacibiin kale, laakiin Granit Xhaka ayaa mar kale lama taabtaan u ahaaday Arteta oo kahdaka dhexe ay iska kaashanayaan Ceballos iyo Elneney, halka Smith Rowe uu kusoo bilowday kaddib bandhiggii fiicnaa ee uu sameeyey ciyaartii Spurs ee horraantii usbuucan.

Shaxaha rasmiga ah ee kulanka Arsenal vs Olympiakos

Arsenal XI: Leno, Bellerin, Luiz, Gabriel, Tierney, Ceballos, Elneny, Xhaka, Pepe, Aubameyang, Smith Rowe.

Kaydka: Ryan, Okonkwo, Cedric, Chambers, Holding, Mari, Partey, Odegaard, Nelson, Martinelli, Nketiah, Lacazette.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*