Manchester United ayaa ku sugan garoonka San Siro Stadium ee magaalada Milan ee waddanka Talyaaniga, halkaas oo ay marti ugu tahay AC Milan oo ay foodda isku darayaan lugta labaad ee wareegga 16ka tartanka Europa League.
Labadan kooxood ayaa ciyaartii hore ee Old Trafford kusoo kala baxay 1-1, waxaanay taasi ka dhigan tahay in midkooda u gudbaya wareegga siddeedda lagu go’aamin dooono ciyaarta caawa.
AC Milan waxa ciyaartan usoo laabtay saddexdii laacib ee kulankii hore dhaawaca kaga maqnaa ee Zlatan Ibrahimovic, Hakan Calhanoglu and Theo Hernandez.
Manchester United ayaa iyaduna dib u heshay xiddiga reer France ee Paul Pogba oo muddo dhaawac ku maqnaa iyo Donny van de Beek, laakiin labadooduba waxay kusoo bilowdeen kursiga kaydka.
Ole Gunnar Solskjaer ayaa ciyaartan kusoo bilaabay Mason Greenwood iyo Marcus Rashford oo afka hore wada taagan, waxaana khadka dhexe ka caawinaya Bruno Fernandes iyo Daniel James, halka Fred iyo Scott McTominay ay ka shaqayn doonaan kubbad-burburinta iyo dhismaheeda intaba.
Difaaca United ayay wada taagan yihiin Harry Maguire, Victor Lindelof, Aaron Wan-Bissaka iyo Luka Shaw, halka uu goolhaye Dean Henderson mar kale kusoo bilowday shaxda hore, iyadoo uu kaydka ku jiro David de Gea.
AC Milan ayaa waxa iyadana ugu soo bilowday Calhanoglu oo maqnaanshihiisu saamayn ku yeeshay ciyaartii hore, Krunic iyo Castillejo, halka Zlatan Ibrahimvoic uu kaydka ku jiro oo uu beddel kusoo geli doono qaybta dambe haddii laga maarmi waayo.
Khadka dhexe ee Milan ayay wada taagan yihiin Kesseie, Meite iyo Saelemaekers, halka difaacana ay kusoo bilowdeen Theo Hernandes, Tomori, Kjaer iyo Kalulu.
Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood
Manchester United XI: Henderson, Lindelof, Maguire, Wan-Bissaka, Shaw, McTominay, Fred, James, Fernandes, Rashford, Greenwood.
Kaydkas: De Gea, Grant, Telles, Tuanzebe, Williams, Diallo, Pogba, Matic, Van de Beek.
AC MILAN XI: Donnarumma, Kalulu, Kjaer, Tomori, Hernandez, Kessie, Meite, Saelemaekers, Calhanoglu, Krunic, Castillejo.
Kaydka: Tatarusanu, A Donnarumma, Bennacer, Dalot, Tonali, Ibrahimovic, Brahim Diaz, Tonin, Gabbia
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora