Shaxda Macquulka Ah Ee Man United Kala Hortagi Doonto Brighton Iyo Tababare Solskjaer Oo SIDEED Bedel Sameyn Doona

Manchester United ayaa habeen danbe oo Talaado ah la ciyaareysa kooxda Brighton iyagoo weli rajo ka leh inay ku dhameystaan afarta kaalimood ee ugu sareysa.

Kooxda Red Devils ayaa aadeysa garoonka Amex Stadium iyagoo iska xaadiriyay semi-finalka FA Cup ka dib markii ay ka badiyeen kooxda Norwich City.

Madaama kulamada ay aad isagu dhow dhow yihiin, tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa si weyn isku shaandheyn ugu sameyn doona shaxdiisa.

Taasoo la mic ah inay shaxda ku soo laaban doonaan Paul Pogba, Anthony Martial iyo Marcus Rashford.

David De Gea ayaa goolka ku soo laaban doona ka dib markii uu kulankii FA Cup u baneeyay Sergio Romero.

Luke Shaw iyo Maguire ayaa ka mid ah seddex ciyaaryahan oo la filayo inay sii ceshtaan booskooda kuwaasoo ciyaaray kulankii Fa Cup.

Waxaa iyagana shaxda ku soo laaban doona daafaca dhexe Victor Lindelof iyo daafaca midig Aaron Wan-Bissaka kuwaasoo la nasasiiyay.

Bruno Fernandes ayaa sii ceshan doona booskiisa laakiin waxaa laga yaabaa inuu gadaal u dego oo uu ka garab ciyaaro Nemanja Matic si Paul Pogba uu uga ciyaaro booska No.10

Daniel James iyo Rashford ayaa la filayaa inay garbaha weerarka ka ciyaari doonaan iyadoo Martial oo seddexleey dhaliyay kulankii ay ka badiyeen Sheffield United uu hogaamin doono weerarka.

Odion Ighalo, Juan Mata iyo Jesse Lingard ayay u badan tahay inay kursiga keydka ku laaban doonaan

How Man Utd could start against Brighton on Tuesday

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

3 Fekradood

  1. waaw waa shax aad iyo aad ufiican dhankastaba
    teeda kale pogba wuxu tabayay oo ka dhinaa waxay eheed booska hada laga ciyarsinayo ee ah 10ka waana booskiisa saxda ah
    guul ayaan urajeenayaa man utd

  2. Linderlove wa qasaro Horta
    Baily la qaatay

    James na ani tuntii waxan Ka doiran lahaa greenwood wa laacib banooniga hayn Kara xaqiiqdii

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*