RASMI: Shaxda Kooxda Sannadka Ee Abaalmarinta FIFPro Oo Si Rasmi Ah Loogu Dhawaaqay – La Liga Oo U Badan & Premier League Oo Kaliya Labo Xiddig Ku Leh

Advertisements

Labo ka mid ah xiddigihii Liverpool la qaaday Champions League sannadkan 2019 ayaa ka soo muuqday shaxda kooxda sannadka ee FIFPro World Xi sida looga dhawaaqay xaflada abaalmarinta The Best FIFA Football Awards.

Goolhayaha haatan dhaawaca ku maqan Alisson Becker iyo daafaca dhexe Virgil van Dijk ayaa labadoodaba ka soo muuqday shaxda kooxda sannadka laakiin Man City oo isku qaaday horyaalka Premier League, FA Cup iyo League wax ciyaartoy ah kuma lahan.

Shaxda kooxda sanandka waxaa Alisson ka horeeya daafaca dhexe Van Dijk, xiddiga Juventus Matthijs de Ligt iyo labada xiddig ee Real Madrid Sergio Ramos iyo Marcelo.

Khadka dhexe waxa uu ka kooban yahay seddexda xiddig ee kala ah xiddigaha Real Madrid ee Luka Modric iyo Eden Hazard iyo xiddiga kooxda Barcelona Frenkie de Jong.

Seddexda afka hore waxaa ku soo baxay xiddigaha Juventus iyo Barcelona Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi iyo sidoo kale xiddiga Paris Saint-Germain Kylian Mbappe.

Laakiin waxaa la yaab ah in Real Madrid oo aan wax koob ah ku guuleysan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay inay afar xiddig ku yeelato shaxda kooxda sannadka halka Man City oo seddex koob oo maxali ah qaaday aysan waxba ku yeelan doonin.

SHAXDA KOOXDA SANNADKA EE ABAALMAINTA FIFPRO WORLD XI:

Goolhaye: Alisson Becker

Daafac: Sergio Ramos, Van Dijk, De Ligt, Marcelo

Advertisements

Khad Dhexe: Modric, De Jong, Hazard

Weerar: Ronaldo, Mbappe, Messi