Shaxda Kooxda Aduunka Ugu Xun 2019 Oo La Soo Saaray Iyo Xidigo Kooxo Waa Wayn Ka Tirsan Oo Ka Soo Muuqday.

Advertisements

Shaxda kooxda aduunka ugu fiican ee FIFPro World XI 2019 oo xalay la soo saaray ayaa wali dood badani ka jirtaa iyada oo aan lagu qancin dhawr ciyaartoy oo shaxda kooxda aduunka ka soo muuqday, laakiin waxaa hadda la soo saaray shaxda kooxda ugu xumayd 2019.

Inta badan ciyaartoyda ugu bandhiga fiican ayaa ka soo muuqda shaxda kooxda aduunka ugu fiican ee FIFPro World XI laakiin shaxda kooxda aduunka ugu xun waxaa lagu soo saaraa ciyaartoyda fashilka noqda.

Alexis Sanchez iyo Philippe Coutinho oo si buuxda ugu fashilmay kooxihii ay ka tirsanaayeen ee Manchester United iyo Barcelona sida ay u kala horeeyaan ayaa hogaaminaya shaxda kooxda aduunka ugu xumayd sanadkan 2019.

Xidiga Man United ee Fred oo isna fashil ku noqday Old Trafford ayaa boos ka helay shaxda kooxda aduunka ugu xun 2019 halka Mustafi oo ay jamaahiirta Arsenal si wayn u naceen uu isna boos ka helay shaxdan.

Haddii uu goolhaye Alisson Becker uu ku jiray shaxda kooxda aduunka ugu fiican ee FIFA xalay abaal marisay, waxaa shaxda kooxda aduunka ugu xun hogaaminaya ninkii uu badalay ee Loris Karius oo aan wali waxba ka baran qaladaadkii uu Reds kaga baxay.

Haddaba halkan kaga bogo 11ka xidig ee ku soo baxay shaxda kooxda aduunka ugu xun 2019 ee fashilka soo ahaa.

Goolhaye: Loris Karius

Difaaca Midig: Stephan Lichtsteiner

Difaaca Dhexe: Shkodran Mustafi

Difaaca Dhexe: Phil Jones

Difaaca bidix: Layvin Kurzawa

Khadka Dhexe: Renato Sanches

Khadka Dhexe: Fred

Khadka Dhexe: Philippe Coutinho

Weerarka: Quincy Promes

Advertisements

Weerarka: Javier Pastore

Weerarka: Alexis Sanchez