Shaxda Culus Ee Chelsea Ee Uu Lampard Soo Safayo Kulanka Arsenal Xilli Seddex Xiddig Ay Ka Maqan Yihiin

Tababare Frank Lampard ayay u badan tahay inay ugu yaraan seddex xiddig oo muhiim ah ka maqnaan doonaan kulanka ay Chelsea u safreyso Arsenal maalinta Sabtida.

Advertisements

Macalinka Chelsea ayaa rajeyneysa inuu cadaadiska ku sii hayo kooxda hogaamineysa horyaalka ee Liverpool.

Hakim Ziyech ayaa ku maqan dhaawac muruqa bowdada ah taasoo la micno ah in shaxda uu ku soo laabanayo Kai Havertz.

N’Golo Kante iyo Mason Mount ayaa iyagana la filayaa inay ku soo bilowdaan khadka dhexe iyadoo Callum Hudson-Odoi uu rajeynayo in lagu soo bilaabo garabka midig ee weerarka.

Xiddiga Ingariiska ayaa ka soo kabsaday dhaawac uu ku maqnaa isagoo ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii ay 3-0 kaga badiyeen West Ham.

Garabka kale ee weerarka waxaa la filayaa inuu ka dheelo Christian Pulisic iyadoo Timo Werner uu hogaaminayo weerarka.

Lampard ayaa sidoo kale go’aan ka gaaraya daaficiisa.

Labada daafac garab Reece James iyo Ben Chilwell uma badna inay ciyaari doonaan iyagoo qaba dhaawac jilibka iyo canqowga ah.

Maqnaanshahooda waxay keeni doontaa in Cesar Azpilicueta uu ku soo laabta daafac midig halka daafac bidix uu buuxin doono emerson.

Chelsea ayaa kulankaan ciyaareysa iyagoo ku jira kaalinta shanaad islamarkaana lix dhibcood ka danbeeya kooxda hogaamineysa horyaalka ee Liverpool.

SHAXDA AY CHELSEA KALA HORTAGEYSA

(4-2-3-1): Mendy; Emerson, Silva, Zouma, Azpilicueta; Havertz, Kante; Pulisic, Mount, Hudson-Odoi; Timo Werner

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*