Shaxda Ay Arsenal Kala Hortageyso Crystal Palace Habeen Danbe Xilli Xiddigo Muhiim Ah Ay Soo Laabteen

Advertisements

Mikel Arteta ayaa war wanaagsan ka helay taam ahaanshaha seddex xiddig oo muhiim ah ka hor kulanka Premier League ee ay habeen danbe oo Khamiis ah la ciyaarayaan kooxda Crystal Palace.

Gunners ayaa rajeyneysa inay dib u helaan Gabriel Magalhaes, Thomas Partey iyo Gabriel Martinelli kulanka ka dhacaya Emirates Stadium.

Palace ayaan laga badiyay afartii kulan ee ugu danbeysay ee ay labada kooxood ciyaareen laakiin kooxda Mikel Arteta ayaa ku jirta qaab ciyaareed fiican.

Afar kulan oo isku xigta ayay badiyeen Arsenal iyagoo sidoo kale seddex kulan oo isku xigta shabaqa ilaashaday ka dib kulankii ay ka badiyeen Newcastle ee FA Cup.

Pablo Mari ayaa ciyaaray daqiiqad kasta oo ka mid ah kulamadii ugu danbeeyay laakiin wuxuu wajahayaa in laga saaro shaxda madaama Gabriel Magalhaes uu taam soo noqday.

Daafaca reer Brazil ayaa ku soo laaban kara booskiisa isagoo ka soo kabsaday Korona Fayras.

Khadka dhexe waxaa isna tababarka buuxa ku soo laabtay Thomas Partey ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac muruq bowdada ah.

Arteta ayaa la filayaa inuu go’aan xilli danbe ah ka gaaro xiddiga reer Ghana madaama uu ciyaaray kaliya hal kulan iyo 8dii bishii November.

Dani Ceballos iyo Mohamed Elneny ayaa ku tartami doona khadka dhexe si ay uga garab ciyaaraan Granit Xhaka haddii Partey uu shaxda ka mid noqon waayo.

How we expect Arsenal to line up against Crystal Palace

Emile Smith Rowe qeyb ayuu ka sii ahaanayaa shaxda madaama uu wacdarro u dhigay kooxda isagoo ku hogaamiyay guushii Newcastle ee kulankii Sabtida.

Bukayo Saka iyo Alexandre Lacazette ayaa iyagana ah labo weeraryahan oo qaab ciyaareed fiican ku jira, Arteta ayay u badan tahay inuu labadaan nin ka garab ciyaarsiin doono Pierre-Emerick Aubameyang.

SHAXDA MACQUULKA AH EE ARSENAL EE CRYSTAL PALACE:

(4-2-3-1): Leno, Tierney, Gabriel, Holdinh, Bellerin; Xhaka, Partey; Aubameyang, Smith Rowe, Bukayo Saka; Lacazette

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*