Shaxda Adag Ee Ay Arsenal Kala Hortageyso Chelsea Sabtida – Miyuu Aubameyang Ciyaari Doonaa?

Gabriel Martinelli ayaa la filayaa inuu taam u noqdo Arsenal ka hor kulanka ay wajahayaan Chelsea maalinta Sabtida.

Advertisements

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Arsenal ayaa dhaawac ku baxay kulankii Carabao Cup ee ay guuldarada 4-1 ka soo gaartay Manchester City habeenkii Talaadada.

Martinelli oo 19 sanno jir ah ayaa saftay kulankaas markii ugu horeysay muddo sagaal bilood ah isagoo ka soo kabsaday dhaawac jilibka ah oo halis ahaa.

Inkastoo uu muddo dheer dhaawac ku maqnaa hadana xiddiga tayada leh ee reer Brazil wuxuu caawiye ka noqday goolhaye Alexandre Lacazette.

Martinelli ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo shaxda Arsenal kulanka Sabtida haddii uu taam yahay isagoo ka garab ciyaari kara Alexandre Lacazette iyo Nicolas Pepe.

Pierre Emerick-Aubameyang ayaa la filayaa inuu mar kale maqnaado isagoo weli ka soo kabsanaya dhaawac kubka ah.

Khadka dhexe, tababare Mikel Arteta wuxuu dib u soo dhaweyn doonaa Granit Xhaka ka dib casaankii uu qaatay kulankii Burnley.

Iyadoo Thomas Partey uu dhaawac yar waxaa la filayaa inuu ka garab ciyaari doono Dani Ceballas halka Hector Bellerin iyo Bukayo Saka ay garbaha ka dheeli doonaan.

Dhanka daafaca, Rob Holding iyo Kieran Tierney ayaa la nasasiiyay kulankii Man City waxaana la filayaa inay soo laabtaan iyadoo Gabriel uu booskiisa sii ceshanayo.

Gunners oo dhibtooneysa ayaa kulankaan ciyaareysa iyagoo aan badinin todoba kulan oo horyaalka ah, waxayna afar dhibcood u jiraan booska lagu haro.

SHAXDA ARSENAL AY KALA HORTAGEYSO CHELSEA:

(3-4-3): Leno; Tierney, Gabriel, Holdinh; Bellerin, Xhaka, Ceballos, Bukayo Saka; Pepe, Lacazette, Martinelli

Miyay shaxdaan Arsenal uga badin kartaa Chelsea kulanka Sabtida? Maxaad ka bedeli laheyd shaxda adigoo eegaya xiddigaha dhaawaca ku maqan?

Advertisements

2 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*