Shaxaha Rasmiga Ah Ee FC Porto vs Chelsea – Tuchel Oo Isbeddello Sameeyey & Porto Oo Hubkii Cuslaa Ganaax Kaga Maqan Yahay

Chelsea iyo FC Porto ayaa ku sugan garoonka Ramon Sanchez Pizjuan ee magaalada Seville ee waddanka Spain, halkaas oo ay ku wada ciyaarayaan lugta hore ee wareegga siddeedda tartanka Champions League.

Advertisements

Tababare Tuchel ayaa dib u helay xiddigaha Christian Pulisic iyo N’Golo Kante oo taam usoo noqday ciyaartan, halka Tammy Abraham uu isaguna kusoo baxay liiska ciyaartoyda.

FC Porto ayaa iyadana ay ka maqan yihiin ciyaartoydooda afka hore ee weerarka ee sababta u ahaa in ay halkan soo gaadhaan, isla markaana dhulka lasoo dhacay Juventus, waana Sergino Oliveira iyo Mehdi Taremi oo labaduba ganaaxyo ku maqan.

Waxa kale oo aan ciyaartan dheeli karin Malang Sarr oo aan loo ogolayn in uu kooxdiisa uu amaahda kaga maqan yahay ee Chelsea ka hor tago.

Advertisements

FC Porto ayaa ciyaartan kusoo bilowday Marega oo afka hore taagan, waxaana soo raacay oo caawinaya Diaz iyo Tecatino, halka laacibka Liverpool ay ka qaateen ee Grujic uu khadka dhexe la taagan yahay Otavio iyo Uribe.

Difaaca ayay wada joogaan Pepe, Zaidu, Mbemba iyo Manafa, halka uu goolkana ku jiro Marchesin.

Thomas Tuchel ayaa isaguna afka hore kusoo wada bilaabay Timo Werner, Kai Havertz iyo Mason Mount, isagoo kaydka dhigay Giroud iyo Tammy Abraham.

Khadka dhexe ayay ka wada ciyaarayaan Jorginho, Chilwell, Kovacic iyo James. Difaaca ayay wada joogaan Antonio Rudiger, Christensen iyo Azpilicueta.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

CHELSEA XI: Mendy, Azpilicueta, Rudiger, Christensen, James, Kovacic, Jorginho, Chilwell, Mount, Havertz, Werner.

Kaydka: Kepa, Caballero, Alonso, Thiago Silva, Kante, Abraham, Pulisic, Zouma, Giroud, Hudson-Odoi, Ziyech, Emerson.

PORTO XI: Marchesin, Manafa, Mbemba, Pepe, Zaidu, Grujic, Uribe, Otavio, Tecatito, Diaz, Marega.

Kaydka: Ramos, Loum, Anderson, Martinez, Evanilson, Nanu, Sarr, Leite, Baro, Mario, Vieira, Conceicao.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*