Sharcigii Kubada Gacanta Lagu Taabto Oo La Bedelay Ka Dib Muranadii Ugu Danbeeyay Ee Ka Dhacay Yurub

Kubad si kama ah gacanta loogu taabtay oo sababtay in xiddig kugu koox ah uu gool ku dhaliyo ama ku helo fursad gooldhalin, wixii hadda ka danbee looma arki doono inay qalad tahay sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen boodhka xiriirka caalamiga ee kubada cagta IFAB oo u xilsaaran wax ka bedelida sharciyada kubada cagta.

Advertisements

Haddii ciyaaryahan uu si kama ah gacanta kubad ugu taabto islamarkaana uu kubadaas dhaliyo xiddig saaxiibkiis ah, goolkaas waa la ogolaanayaa sida sharciga cusub uu qabo.

Sharcigaan cusub ayaa imaanaya maalin ka dib markii Fulham laga diiday gool uu u dhaliyay Josh Maja kulankii ay xalay la ciyaareen Tottenham, iyadoo kubada ay gacanta uga dhacday saaxiibkiisa Mario Lemina xilli uu daafaca Tottenham Davinson Sanchez uu kubada iska bixinayay.

VAR ayaa xalay xukmisay in goolka uusan sax aheyn laakiin sharcigaan cusub oo dhaqangalaya 1da bisha July wuu ogolaanayaa goolkaas.

Advertisements

Warbixin ayaa soo saartay maanta oo Jimce ah IFAB ayaa lagu yiri: “Sida loo dhaqangelinayo kubadaha gacanta ee kama ku yimid ma aheyn kuwa si isku mid ah loo raacay sabababo la xiriira sharciga oo siyaabo kala duwan loo fasiray.

“Kubadaha gacanta ee kama ku yimaada ee sababa in ciyaaryahan ku koox ah uu gooldhaliyo ama helo fursado gool dhalin looma arki doono qalad wixii hadda ka danbee.”

Laakiin waxaa weli qalad sii ahaanaya haddii ciyaaryahan uu si kama ah gacantiisa gool ugu dhaliyo, goolkaas lama ogolaanayo ama haddii uu ciyaaryahan gacantiisa u soo dhaqaajiyo dhanka kubada ka hor inta uusan goolka dhalinin.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*