Sharci Cusub Oo Lagu Soo Kordhinayo Premier League, Halis Ku Soo Wajahan Garsoorayaasha & Taageerayaasha Oo Helaya Wixii Ay Rabeen

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan wadahadalada la xiriira in la baahiyo codka garsoorayaasha si taageerayaasha ay u maqlaan marka garsooraha iyo garsoorayaasha VAR ay go’aan gaarayaan, madaama ay bateen muranada la xiriira go’aanada garsooraha iyo VAR.

Advertisements

Sharciga haatan jira ayaa reebaya in la baahiyo codka garsooraha iyo caawiyayaashiisa marka ay go’aan gaarayaan laakiin waxaa macquul ah in codka oo duuban la baahiyo ka dib ciyaarta.

Garsoorayaasha ayay wajahayay cadaadis badan isbuucyadii ugu danbeeyay ka dib markii ay gaarayeen go’aamo muran leh halka VAR ay sii xumeysay xaalada.

Laakiin madaxa FA-ga Mark Bullingham ayaa sheegay inay qiimo u soo kordhineyso taageerayaasha inay dhageystaan codka garsooraha, kuwa VAR iyo caawiyayaasha ka dib ciyaarta.

Advertisements

“Meesha aan wax ka bilaabeyno waa inay noqoto mid qiimo u leh taageeraha oo fududeyneysa fahamka go’aanada garsooraha, waa wax aan dabcan ka fiirsaneyno” ayuu yiri.

“Waxaan u baahanahay inaan dhageysano doodaha ka soo horjeeda sharcigaan iyo haddii ay jiraan garsoorayaal ka soo horjeeda in wax walba banaanka la soo dhigo.”

Talaabadaan waxay caqabad ku noqon doontaa garsoorayaasha iyo VAR kuwaasoo loo heli doono cadeyn cod ah haddii ay qalad ku kacaan ama ay ku hadlaan hadalo lidi ku ah sharciga sida tii uu Luke Shaw ku eedeeyay garsooraha kulankii Man United iyo Chelsea.

In la baahiyo codka garsoorayaasha waxay u baahnaan doontaa inay ogolaadaan ururka garsoorayaasha Ingariiska ee PGMOL.

Boodhka xiriirka caalamiga ah ee kubada cagta IFAB oo dejiya sharciyada kubada cagta ee FIFA ayaa dib u dhigay dhawaan inay go’aan ka gaaraan in si toos ah loo baahiyo codka garsooraha iyo caawiyayaashiisa inta ay ciyaarta socoto sida ka dhacda ciyaarta Rugby iyo Cricket.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*