Shanta Xiddig Ee Ugu Baasaska Badan Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan Oo La Soo Saaray

Advertisements

Xilli ciyaareedka horyaalka Premier League ayaa hakad galay madaama la ciyaarayo kulamada heerka caalami iyadoo uu soo laaban doono 19ka bishaan October.

Ilaa iyo haatan waxaa la ciyaaray sideed kulan iyadoo Liverpool ay sideed dhibcood ku hogaamineyso ka dib markii ay wada badiyeen dhamaan kulamadii ay ciyaareen ilaa iyo haatan.

Kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester City ayaa kaalinta labaad ku jirta, waxayna heleen fasax ay u baahnaayeen madaama ay guuldarro 2-0 ay ka soo gaartay Wolves kulankii ugu danbeeyay.

Kooxaha Tottenham iyo Man United ayaa iyagana u baahna inay dib isku habeeyaan mudada lagu maqan yahay ciyaaraha caalamiga ah iyadoo Man United ay garoonka Old Trafford ku soo dhaweyn doonto Liverpool 20ka bishaan October.

Akoonka rasmiga ah ee Premier League ay ku leedahay Twitter ayaa shaaciyay shanta xiddig ee ugu baasaska badan ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Waxaa u sareeya oo kaalinta koowaad ku jira daafaca bidix ee kooxda Liverpool Andy Robertson kaasoo sameeyay 598 baasas, waxa uu sideed baas dheer yahay xiddiga kaalinta labaad ku jira ee ay isku kooxda yihiin Virgil van Dijk

Kaalinta seddexaad waxaa soo galay daafaca Tottenham Alderweireld oo sameeyay 584 baas halka burburiyaha khadka dhexe ee Manchester City Rodrigo uu sameeyay 556 baas iyadoo kaalinta shanaad uu ku jiro daafaca Manchester United Harry Maguire oo sameeyay 549 baas.