Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Valencia Iyo Barcelona – Laacibkii Qaatay Xiddiga Garoonka & Shan Xiddig Oo Sabab U Aheyd Guuldaradii Barcelona

Advertisements

Tababare Quique Setien waxaa soo gaartay guuldaradiisii ugu horeysay ee tan iyo markii uu noqday tababaraha Barcelona iyadoo Valencia ay 2-0 ku garaacday kooxda hogaamineysa horyaalka oo marti ku aheyd Mestalla.

Los Che ayaa garaacday Barcelona iyagoo xitaa aan ciyaarsiinin xiddigooda weerarka Rodrigo kaasoo u dhow inuu u wareego Barcelona.

Xiddiga Garoonka – Maxi Gomez (Valencia)

Waxaa jiray xiddigo badan oo wacdarro u dhigay Valencia kulankii maanta oo uu ka mid ah Geoffrey Kondogbia oo wacdarro ka dhigay khadka dhexe. Si kasyaba, Gomez ayuu ahaa xiddigii natiijada keenay qeybtii labaad ee ciyaarta isagoo iska soo guday rigooradii laga badbaadiyay qeybtii hore.

Xiddiga reer Uruguay ayaa dhameystirkiisa goolka labaad waxa uu ahaa mid indho qabad leh isagoo si deganaan ah u dabmariyay goolhaye Ter Stegen, wuxuu sidoo kale gacan weyn ku lahaa goolkii uu iska dhaliyay Jordi Alba halka uu Barcelona birta u garaacay qeybtii hore. Haddii aan si sahlan u dhigo, Barcelona waa awoodi weysay inay celiso Gomez.

Xiddigaha Mas’uulka Ka Ahaa Guuldarada Barcelona

Halkeen ka bilaabaa, daafaca Barcelona gaar ahaan daafaca dhexe aad ayuu u liitay, Pique qalqal weyn ayaa ka muuqday wuxuu galay rigoore, wuxuu ku sigtay inuu shabaqa iska soo taabto, wuxuuna qalad ku lahaa labada gool isagoo mar walba meel qaldan joogay.

Samuel Umtiti waxba kama fiicneyn oo jiljileec weyn ayaa ka muuqday, wuxuuna mar walba dhuminayay kubada isagoo meel qaldan dhigaya, tan iyo markii uu ka soo laabtay dhaawaca xiddiga Faransiiska kuma soo laabanin qaab ciyaareedkiisii hore.

De Jong wuxuu ku dhumay khadka dhexe oo Kondogbia ayaa daboolay gabigiisba, kama fiicneyn Arthru halka dhanka weerarka Ansu Fati ay soo baxday khibrad yaradiisa mana noqon karo bedelka Luis Suarez.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Valencia – Domenech 7, Wass 6, Paulista 8, Garay 6, Gaya 7, Soler 7, Coquelin 7, Kondogbia 8, Ferran 7, Gomez 8, Gameiro 6.

Bedel – Sobrino 5, Costa 5, Rodrigo 5.

Advertisements

Barcelona – Ter Stegen 8, Roberto 5, Pique 4, Umtiti 5, Alba 6, Busquets 7, De Jong 4, Arthur 5, Ansu 5, Griezmann 6, Messi 7.

Bedel – Rakitic 5, Vidal 6, Collado 5.

Comments are closed.