Shan Xiddig Oo Barcelona Ah Oo Ka Qeyb Qaadanaya Heshiiska Ay Barcelona Kula Wareegeyso Xiddiga Inter Milan Lautaro Martinez

Advertisements

Barcelona ayaa raadineysa qaacido ay kula soo wareegeyso weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez.

Wargeyska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in Barcelona ay ku fekereyso inay ciyaartoy dhowr ah u bandhigto kooxda Talyaaniga si ay ugu soo bedeshaan xiddiga reer Argentina.

Inter Milan si sahlan kuma fasixi doono Lautaro Martinez. Barcelona ayaa dooneysa inay ku bedesho Luis Suarez laakiin Inter Milan waxay xiddigaan duldhigtay 150 milyan euro sida ay sheegayaan wararka Talyaaniga.

Barcelona ma awoodo inay lacagtaas bixisa, taasi bedelkeeda waxay dooneysaa inay Inter Milan ku wareejiso ciyaartoyda ay ka xiiseyneyso kooxdeeda.

Xiddigaha ay Barcelona u bandhigeysa Inter Milan ee qeybta ka noqonaya heshiiska Lautaro Martinez waxaa ka mid ah Nelson Semedo, Arthur Melo, Arturo Vidal, Carles Alena iyo Jean-Clair Todibo.

Advertisements

Carles Alena iyo Jean-Clair Todibo ayaa labaduba waxay amaah ku kala joogaan kooxaha Real Betis iyo Schalke 04.

Ka hor inta uusan dilaacin caabuqa Coronavirus howlgalka ay Barcelona kula wareegeyso Lauturo waxa uu ku socday si xowli ah laakiin haatan caabuqa darteed waxa uu noqday si aayar ah ku socda.

Comments are closed.