Sergio Ramos Oo Kusoo Laabtay Tababarka – Miyuu Diyaar U Noqonayaa Kulanka Atalanta?

Real Madrid ayaa dib u heshay kabtankeeda Sergio Ramos oo kasoo kabtay dhaawac soo gaadhay 14kii January oo sababay in lagu sameeyo qalliin, waxaana la filayaa inuu taam u noqdo kulanka Atalanta ee lugta labaad ee wareegga 16ka tartanka Champions League

Advertisements

Kabtan Ramos ayaa ka dhaawacmay jilibka intii ay socotay ciyaartii Spuercopa de Espana oo semi-finalka ay ku garaacday Athletic Bilbao, waxaana laba toddobaad oo baxnaano ah kaddib la go’aamiyey in lagu sameeyo qalliin markii ay taariikhdu ahayd February 6.

Laacibkan ayaa si adag u shaqeeyey intii uu dhaawaca ku maqnaa, waxaana iyadoo ay kor-joogtaynayaan dhakhaatiirtu uu waqti badan ku qaatay jimicsiga jidh-dhiska si uu jidhkiisa u ilaaliyo, isla markaana degdeg ugu soo kabto, waxaanay taasi keentay in uu durba kusoo laabto garoomada.

Wargeyska Marca ee u janjeedha dhinaca Real Madrid ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay in Ramos uu diyaar u yahay kulanka Sabtida ay kooxdiisu la ciyaari doonto Elche laakiin uu kaliya ku iman karayo beddel.

Advertisements

Ciyaarta Salaasada usbuuca dambe ay Los Blancos garoonkeeda ku qaabbilayso Atalanta ayaa uu taam ugu yahay si buuxda.

Sergio Ramos ayaa ka maqnaa toban ciyaarood oo ay kooxdiisu dheeshay, waxaanay sii guuleysteen lix ka mid ah laba barbarro ah iyo laba laga badiyey, waxaana shaqo cajiib ah sii qabtay Raphael Varane iyo Nacho oo abuuray difaac adag.

Xulka qaranka Spain ayaa sidoo kale farxad ay u tahay soo laabashada Sergio Ramos, waxaana tababare Luis Enrique uu isku diyaarinayaa inuu shaaciyo liiska xiddigaha qarankiisa ee kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee dhamaadka bishan ay la ciyaari doonaan saddexda dal ee Greece, Georgia iyo Kosovo.

Sergio Ramos ayaa haddii uu saddexaad kulan ciyaaro waxay u noqon doontaa inuu dalkiisa u ciyaaray 181 kulan iyadoo uu saddex kulan oo kaliya u jirsan doono xiddigii Masar ee Ahmed Hassan oo haysta rikoodhka safashada qaramada ee ugu badan oo ah 184 ciyaarood.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*