Sergio Ramos, Luka Jovic, Benzema Iyo Xiddigihii Kale Ee Dhaawaca Ku Seegay Tababarkii Real Madrid Ee Shalay

Advertisements

Real Madrid ayaa dib ugu soo laabatay tababarka kaddib safarkii ay koobka Spanish Super Cup kusoo qaadeen ee waddanka Saudi Arabia, waxaanay xiddigaha Zinedine Zidane shalay sameeyeen tababarkii ugu horreeyey ee ay iskugu diyaarinayaan kulanka Sabtida ay la ciyaari doonaan Sevilla.

Tababarkii shalay muu ahayn mid ka farxiyey Zinedine Zidane, waxaana aan kasoo xaadirin ciyaaryahanno muhiim ah oo uu shaki ku jiro inay taam u noqon doonaan ciyaarta ay Bernabeu ku martigelin doonaan Sevilla, waxaana hubaal ah in uu kabtan Sergio Ramos uu seegayo kulankan.

Halyeygii guusha koobka Spanish Super Cup sababta ugu ahaa Real Madrid ee Fede Valverde ayaa ganaax kaga maqnaan doona kulanka Sabtida maadaama uu kaadh casaan ah qaatay kulankii Atletico Madrid, waxaana uu liiska maqaneyaasha kula biirayaa Sergio Ramos, Marco Asensio iyo Eden Hazard.

Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa meel gaar ah ku qaatay tababarkii shalay, waxaana ka muuqatay inuu soo kabasho samaynayo iyadoo uu kubadda xoogaa ku qaatay tababar fudud iyo mid jidh-dhis ah, taas oo ka dhigan inay suurtogal tahay inuu soo laabto ka hor Sabtida hase yeeshee lama hubo.

Advertisements

Weeraryahanka kel ee Luka Jovic oo sii buuxiyey booska Benzema kulamadii uu maqnaa, ayaa waxa isaguna uu seegay tababarkii shalay iyadoo uu ka cabanayey jugo kasoo gaadhay kulankii Atletico Madrid.

Xiddiga reer Wales ee Gareth Bale oo aan kooxda u raacin safarkii Jeddah ayaa si buuxda u qaatay tababarkii shalay, sidoo kalena Marcelo ayey ka muuqatay inuu u diyaarsan yahay inuu kusoo laabto booskiisii baasha bidix kaddib dhaawac uu ka soo laabtay ka hor ciyaarihii Spanish Super Cup.

Leave a Reply

Your email address will not be published.