Seddexda Kulan Ee Uu Pierre-Emerick Aubameyang Ganaaxa Ku Maqnaan Doono Oo La Shaaciyay – Miyuu Seegayaa Kulanka Chelsea?

Advertisements

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa seegi doona kulanka Arsenal iyo Chelsea ka dib markii uu casaan toos qaatay kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen kooxda Crystal Palace.

Weeraryahanka Gunners ayaa markii hore casaan la siiyay markii uu qalad xun ku galay xiddiga Palace ee Max Meyer.

Laakiin muuqaal caawiyaha garsooraha ayaa dib u eegtay dhacdada waxaana jaalaha loo bedelay casaan madaama loo arkay in qaladkiisa uu ahaa mid xun oo lugta ka jabin karay xiddiga Crystal Palace.

Casaanka la siiyay Aubameyang ayaa la micno ah inuu maqnaan doono seddex kulan oo ay ku jirto kulanka ay martida u yihiin Chelsea ee 21ka bishaan Janaayo.

30 jirkaan oo u muuqday mid ay ilin ku soo istaagtay markii casaanka la siiyay ayaa sidoo kale seegaya kulanka ay gurigooda kula ciyaarayaan Sheffield United Sabtida soo socota iyo kulanka wareega afaraad ee FA Cup ee ay 27ka bishaan Janaayo la ciyaarayaan Bournemouth.

Tababaraha Gunners Mikel Arteta raaligelin ka bixiyay qaladka uu ku kacay Aubameyang taasoo sababi kartay in dhaawac xun uu soo gaaro Meyer.

Advertisements

Aubameyang ayaa isna fariin raaligelin ah soo dhigay bogiisa Instagram isagoo soo qoray:

“Waxaan rajeynayaa in Max Meyer uu dhawaan bogsoodo. Runtii ma aanan dooneynin inaan taakal sidaas u xun ku sameeyo, waana ka mahadcelinayaa in wiilasha ay u dagaalameen guusha laakiin nasiibdarro waxaan la soo laabanay barbaro. Hore ayaan u sii soconeynaa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.