Sannadkii 2018, xiddiga ay Chelsea iska leedahay ee Marco van Gingel oo markaas 25 sanno jir ah ayaa qaliin looga sameeyay jilibka dhaawac halis ah oo soo gaaray.
Waxay bilow u aheyd dhaawac qarow ku noqday oo kubada cagta u diiday inuu ciyaaro muddo 32 bilood ah.
Haatan oo ay da’diisa tahay 28 sanno, wuxuu amaah dib ugu laabtay PSV Eindhoven isagoo garoomada dib ugu soo laabtay xalay oo Arbaco aheyd.
Ku dhawaad 1000 maalmood ayuu sugay inuu daqiiqado yar ciyaaro. Farxad ayuu dareemay markii uu lambarkiisa ka arkay boodhka bedelka inkastoo ay aheyd daqiiqadii 87aad isagoo ciyaaray daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ay ciyaartii ay PSV guuldarro 3-1 ka soo gaartay kooxda AZ iyagoo dib uga dhacay Ajax.
Van Ginkel ayaa Chelsea uga soo biiray kooxda Vitesse Arnhem xagaagii 2013. Dad badan ma xusuustaan inuu yahay xiddig Chelsea sababtoo ah xiddiga reer Holland uma dheelin Chelsea tan iyo markii uu Jose Mourinho tababare ka ahaa kooxda.
Chelsea ayaa u hambalyeeysay xiddigooda inuu garoomada ku soo laabtay ka dib 32 bilood uu garoomada ka maqnaa iyagoo Twitter ku soo qoray:
“Marco van Ginkel wuxuu u ciyaaray PSV caawa, kulankiisii ugu horeysay ee 32 bilood uu dhaawac dheer ku maqnaa. Hambalyo, soo noqosho wanaagsan Marco!”
Marco van Ginkel played for PSV tonight, his first match for 32 months following a lengthy injury lay-off.
Congratulations and welcome back, Marco! 💪 pic.twitter.com/IY8jrzZ6pP
— Chelsea FC (@ChelseaFC) January 13, 2021
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora