Seddex Sababood Oo Ay Chelsea Kalsooni Ugu Qabto Inay Saxiixa Jadon Sancho Ka Dulqaadi Doonto Manchester United

Advertisements

Chelsea ayaa kalsooni ku qabta inay la saxiixan doonaan Jadon Sancho ka hor Manchester United sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

Sancho ayaa la filayaa inuu isaga tago kooxda Borussia Dortmund dhamaadka xilli ciyaareedkan madaama ay xiisad soo kala dhex gashay isaga iyo kooxdiisa.

Dortmund ayaa ciqaab adag marsiisay Sancho xilli ciyaareedkan ka dib markii uu ka soo daahay waqtii uu ku soo laaban lahaa kooxda isagoo u soo dheelay xulkiisa England.

Shabakada Goal ayaa sheegeysa in Chelsea ay kalsooni ku qabto inay la saxiixan doonaan Sancho, waxaana ka dhaadhacsan inay saxiixiisa ka dulqaadi doonaan Man United.

1- Chelsea ayaa diyaar u ah inay rikoodhkooda suuqa kala iibsiga u jabiyaan Jadon Sancho oo ay ka sarremaraan lacagtii 72da milyan ginni ee ay ka soo bixiyeen goolhaye Kepa Arrizabalaga.

2- Sancho ayaa saaxiib dhow la ah xiddigaha Blues ee Callum Hudson-Odoi iyo Tammy Abraham, waxaana ay Chelsea ku fekereysaa in saaxiibtinimadaas ay fure u noqon karto inuu xiddigaan yimaado Stamford Bridge.

3- 19 jirkaan ayaa sidoo kale ka soo jeeda London, waxaana uu doonayaa inuu ku laabto Premier League isagoo markii hore ka tagay Manchester City.

United ayaa iyagana dhankooda diyaar u ah inay lacag badan ku qarashgareeyaan saxiixa Sancho iyadoo la sheegayaa inay diyaar la yihiin 119 milyan ginni.

Advertisements

Laakiin Red Devils waxa ay ku jirtaa bartamaha kala sareynta Premier League halka tababare Ole Gunnar Solskjaer uu qarka u saaran yahay in la ceyriyo.

Chelsea ayaa u muuqata mid ku saldhigatay tababare Frank Lampard kaasoo soo saaray xiddigo da’ yar waxayna ku jiraan kaalinta afaraad iyagoo doonaya inay u soo baxaan Champions League xilli ciyaareedka danbe.

Comments are closed.