SAWIRRO: Maaliyada Cusub Ee Ay Man United Ku Ciyaari Doonto Xilli Ciyaareedka Danbe Oo La Soo Bandhigay & Naqshada Maaliyada Oo Gabi Ahaanba La Bedelay

Maaliyada 1aad ee ay Manchester United ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka danbe ayaa si sir ah loo helay.

Advertisements

Maaliyada ayaa ka sameysay casaan aan laheyn wax nashqad ah laakiin taageerayaasha ayaa ku kala qeybsamay sida ay maaliyada uga soo dhex muuqan doonto shirkada cusub ee ay United xayaysiin doonto xilli ciyaareedka danbe ee TeamViewer.

Shabakada Footyheadlines ayaa baahisay sawiro ay ku sheegeen inay yihiin naqshada cusub ee maaliyada Manchester United ee xilli ciyaareedka danbee ay diyaarisay shirkada Adiddas.

Waxay u muuqataa in Adidas ay minguurisay qaabka shirkada Nike iyagoo caalamada kooxda iyo caalamadooda keenay bartamaha xabadka maaliyada halkii ay ahaan laheyd mid ku taala labada dhinac ee maaliyada.

Advertisements

Maaliyada xulka England ee kowaad ayaa si la mid ah tan Manchester United oo kale loo nashaqadeeyay.

Maaliyada United ayaa qoorta leh wareeg cad halka gacmaha ay iyagana ku leedahay wareeg cad.

Marka laga reebo seddex xariiqmo ee calaamada u ah Adidas ee ka soo baxaya qoorta ilaa garbaha inta kale ee maaliyada waa wada casaan aan wax naqshad ah laheyn.

Waxaase lagu muransan yahay sida ay calaamada shirkada TeamViewer uga soo muuqa doonto, iyadoo Footyheadlines ay ka saareen.

Laakiin taageerayaasha Man United ee Twitter ayaa isku raacay inay filanayaan in caalamada TeamViewer ay noqon doonto cadaan bedelkii ay ahaan laheyd midabka lagu yaqaano ee buluuga.

TeamViewer ayaa bixin doonta 47 milyan ginni sannadkii si loogu xayaysiiyo maaliyada United laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda iyagoo bedelaya shirkada gawaarida ee Chevrolet.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*