Sawiro TV Laga Qaaday Oo Muujinaya Beenta Uu Goolhayaha Slavia Paragua Ondrej Kolar Ka Sheegay Lionel Messi Iyo Ciyaartoyda Barcelona.

Advertisements

Barcelona ayaa ku fashilantay iney saddex dhibcood ka hesho kooxda Slavia Parague kulan ka dhacay garoonka Camp Nou kana tirsanaa koobka horyaalada yurub wareegiisa group-yada, balse waxa la hadal hayay waxey ahaayeen war uu saxaafadda wadankiisa u sheegay goolhaye Ondrej Kolar.

Goolhayahaan ayaa ka dhawaajiyay in ciyaartoyda Barcelona aysan si fiican ula dhaqmin isla markaana qaarkood oo uu Messi ku jiro aysan xitaa salaamin ciyaartoyda kasoo horjeeda markii ay dhamaatay ciyaartii labada kooxood dhexmartay, balse warbaahinta Spain ayaa durba keenay sawiro muujinaya in warkaas uu been yahay.

Inkastoo wixii ciyaartaas ka dhacay aysan dadka kubadda cagta isha ku wada heynin, hadana waxaa lasoo helay Sawiro laga qaaday TV, kuwaas oo muujinaya Lionel Messi oo gacan qaadaya qaar ka mid ah ciyaartoyda Slavia Parague, waxeyna sheekadaan beenineysaa warkii goolhaye Ondrej Kolar.

“Messi iyo ciyaartoyda kale qaarkodo xitaa nama salaamin” ayuu Ondrej u sheegay warbaahin laga leeyahay wadankiisa.

“Waxaan dooneynay inaan la hadalno, maaliyadaha kala badalano, balse si fiican uma aysan dhaqmin”

Advertisements

Si kastaba sawirada lasoo bandhigay waxaa laga arki karaa Lionel Messi iyo Gerard Pique oo gacan qaadaya qaar ka mid ah ciyaartoyda Slavia Parague.

Sheekooyinkaan waxey cadeynayaan sida ay saxaafadda caalamka mar walba ula safan yahiin dadkooda, shabakadda Marca oo lagu xanto iney taageero u tahay Real Madrid maadaama ay kasoo baxdo caasimadda ayaana isku dayay inuu eed la’aan dhigo ciyaartoyda la eedeeyay ee Balaugrana.

Comments are closed.