Samuel Eto’o Oo Magacaabay Xiddiga Barcelona U Beddeli Doona Lionel Messi

Advertisements

Halyeyga reer Cameroon iyo Barcelona ee Samuel Eto’o ayaa magacaabay laacibka beddeli doona Lionel Messi ee kooxda reer Catalonia hoggaamin doona marka uu Leo ka baxo Camp Nou.

Lionel Messi oo ay da’diisu tahay 33 jir ayuu qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkan, waxaana uu hore u sheegay inuu tegi doono inkasta oo ay jirto rajo ah inay suurtogal tahay inuu saxeexi karo qandaraas cusub haddii uu Madaxtinimada kooxda kusoo baxo Madaxweyne ay ku qancin kara inuu sii joogo.

Samuel Eto’o oo muddo shan sannadood ah ay Barcelona u wada ciyaareen Lionel Messi, sial amrkaana ay ku wada guuleysteen koobab badan oo Champions League, LaLiga iyo tartamada maxalliga ahba, ayaa waxa uu ka hadlay bixitaanka Messi, isagoo sheegay in haddaba ay kooxda reer catalonia haysato laacibkii u beddeli lahaa.

Eto’o oo warbaahinta la hadlayay ayaa la weydiiyey ciyaartoyga ay suurtogalka tahay inuu Messi beddelo, waxaana uu markiiba soo qabtay Ansu Fati oo uu tilmaamay inuu yahay kan awoodda xirfadeed u leh inuu raaco raadka Messi.

“Waxay ila tahay in Fati uu yahay ciyaartoyga mustaqbalka. Waqtigan wuxuu samaynayaa waxyaabo layaab leh, sidaa darteed, waxay ila tahay in kooxdu u baahan ilaaliso oo ay si wanaagsan u daryeesho.” Ayuu yidhi Samuel Eto’o.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Samuel Eto’o sii raaciyey: “Waxaan rajaynayaa inuu noqonayo ciyaartoyga beddelaya Messi.”

Ansu Fati oo xili ciyaareedkan si wanaagsan ula bilowday, isla markaana dhaliyey goolal qurux badan ayaa waxa uu xulka qaranka Spain u saftay afar ciyaarood oo uu ku dhigay rikoodho cusub oo aan hore looga arag oo dhinaca goolasha ah. Laakiin waxa da’yarkan ku dhacay dhaawac sababay in lagu sameeyo qalliin.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*