SAGAALKA Kulan Ee Go’aamin Doona Horyaalka Spain Ee LaLiga Kaddib Natiijooyinkii Barça, Atletico & Madrid

Advertisements

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayuu tartankiisu noqday mid furan kaddib laba ciyaarood oo si lama filaan ah ay kooxda Levante dhulka ula dhacday Atletico Madrid oo ay marna ka badisay, marna barbarro la gashay.

Tababare Diego Simeone ayaa Arbacadii iyo Sabtidii ay u ahayd maalmo murugo oo ay kooxdiisu lumisay shan dhibcood, taas oo keentay inay kusoo dhowaadaan Real Madrid oo ay saddex dhibcood oo kaliya ka horreeyaan iyo Barcelona oo siddeed dhibcood ay ka horreeyaan.

Atletico Madrid ayaa ahayd kooxda loo saadaalinayo horyaalka LaLiga xili ciyaareedkan waxaanay mar hoggaanka ku haysay toban dhibcood oo nadiif ah iyo ciyaaro baaqi u ahaa, hase yeeshee waxa hadda xaalkoodu iskugu soo ururay in saddex dhibcood oo kaliya ay ka horreeyaan Real Madrid oo afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka soo wada badisay.

Barcelona ayaa iyaduna natiijo xun ka keentay ciyaartii Axaddii ay ku martigelisay naadiga kasoo dallacay heerka labaad ee Cadiz oo barbarro 1-1 ah ay ku kala baxeen garoonka Camp Nou, taas oo keentay inay kaalinta saddexaad fadhiyaan.

Tababare Ronald Koeman ayay xaaladda kooxdiisu sii xumaan kartaa Isniinta oo ay la ballansan yihiin Sevilla, waxaase uga soo horreynaysa in kulankii baaqiga u ahaa ay Arbacada toddobaadkan ku qaabbili doonaan Elche, waxaanay ku qasban yihiin in labadan ciyaarood ay guulo ka keenaan haddii uu hunguri ka hayo horyaalka xili ciyaareedkan.

Labada bilood ee March iyo April ayaa ah kuwa ugu xaasaasisan horyaalka LaLiga, waxaana dhacaya kulamada labaad ee kooxaha waaweyn.

Atletico Madrid ayaa garoonkeeda Wanda Metropolitano waxay kusoo dhoweyn doontaa Real Madrid marka ya taariikhdu tahay March 7, laakiin iyadoo aan nasanin, ayaa waxay haddana la kulmi doonaa Athletic Bilbao oo ay March 10 wada ciyaari doonaan.

Horyaalka oo illaa hadda u dhexeeya afarta kooxood ee Atletico Madrid, Real Madrid, Barcelona iyo Sevilla oo ay koox waliba xisaab ahaan fursad u haysato inay ku guuleysan karto, waxa sagaalka kulan ee ugu xaasaasisan ee lagu tilmaamay inay horyaalka go’aaminayaan ay yihiin sidan:

Barcelona-Elche: Feb 24 (Ciyaar baaqi ahayd).

Sevilla-Barcelona: Feb 27.

Atlético de Madrid-Real Madrid: March 7.

Atlético-Athletic: March 10 (Ciyaar baaqi ahayd).

Sevilla-Elche: March 17 (postponed game).

Sevilla-Atlético de Madrid: April 4.

Real Madrid-Barcelona: April 11.

Barcelona-Atlético de Madrid: May 9.

Real Madrid-Sevilla: May 9.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*