Sadio Mane Oo Dib Isaga Weeraray Tababare Pep Guardiola Ka Hor Kulanka Axada Ka Dhici Doona Anfield.

Advertisements

Weeraryahanka Liverpool Sadio Mane ayaa dib isaga weeraray tababare Pep Guardiola kaas oo ku sheegay inuu is tuuro, wuxuuna ka dhawaajiyay inuu kicinayo dareenka garsoorayaasha ka hor kulanka labada kooxood dhexmari doona Axadda.

Guardiola ayaa hadalkaan sheegay kadib markii Sadio Mane uu daqiiqadii ugu dambeysay kulankii Aston Villa ee isbuucaan kooxdiisa guul gaarsiiyay, waxaana xusid mudan in xiddigaan ay kooxdiisa heshay laba rigoore.

Kulamadii Tottenham iyo Leicester City ayaa laba rigoore lagu galay, waxeyna noqdeen laba fursad oo kooxdiisa ka bixiyay dhibtii ay markaas ku jireen.

Si kastaba Sadio Mane ayaa dib isaga weeraray Guardiola, wuxuuna ka dhawaajiyay inuu mar walba is tuurayo hadiiba uu ku helaayo rigoore.

“Hadii ay hubanti rigoore ii noqoneyso mar kale ayaan is tuurayaa” ayuu yiri Mane oo kaftamaya.

“Balse wixii uu Jurgen Klopp sheegay waa run, aniga isma tuurin”

Advertisements

“Waa xariifnimo, wuxuuna doonayaa inuu soo jeediyo dareenka garsoorka balse aniga waxaan ciyaarayaa mar walba kubadda cagta” ayuu yiri mar kale Sadio.

“Kuma ciyaarayo dareenka waxa uu sheegayo, sababtoo ah waa qeyb ka mid ah kubadda cagta”

Comments are closed.