“Sadio Mane Inuu Kasoo Jeedo Qaaradda Afrika Ayaa Loogu Diiday Abaalmarinta Ballon d’Or”

Advertisements

Cheikhou Kouyat ayaa aaminsan in saaxiibkiisa qaranka Senegal Sadio Mane uu u qalmay abaalmarinta Ballon d’Or, balse loogu diiday inuu kasoo jeedo qaaradda Afrika.

Sadio wuxuu galay kaalinta afaraad abaalmarinta Ballon d’Or kadib codadkii la bixiyay, waxaana ka horreeyay Lionel Messi, Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo.

27-jirkaan heerka caalami ayaa qaatay fasal ciyaareed aan caadi aheyn’ 54-gool ayuu u dhaliyay kooxdiisa iyo qarankaba, sidoo kalana wuxuu Reds u hogaamiyay koobka horyaalada yurub.

waxaa intaas sii dheer in Sadio Mane uu qarankiisa Senegal u suuragaliyay iney galaan kaalinta labaad ee tartanka koobka qaramada qaaradda Afrika.

“Aniga ahaan Ballon d’Or waxaa lahaa Mane, taasi wax shaki ah kuma jirin” ayuu yiri Kouyate oo la hadlayay shabakadda Mirror Football.

“I dhageyso, hadii Sadio uu noqon lahaa Brazilian ama Yurub, dood lagama galin laheen abaalmarinta”

“Waxey aheyd in si toos ah abaalmarinta loo siiyo, mana dhicin, sababtoo ah waxaan kula ciyaaray qaranka, waana aqaanaa isaga, waana wax ay dareemi karaan dadka daawada kubadda cagta” ayuu mar kale yiri Kouyate.

“Dib ugu laabo wixii uu ku sameeyay kooxda iyo xulkaba, waxaadna  arki kartaa ineysan jirin qof isaga ka fiican”

“Waan wada ognahay in Messi uu fiican yahay, laga yaabee inuu yahay kan ugu weyn ciyaartoyda, balse maya fasalkii lasii dhaafay”

Advertisements

“Laga yaabee waxa ay fiiriyeen ineysan aheyn kubadda cagta, sababtoo ah ma jirin saddex ciyaartoyboo ka wax qabad fiicnaa isaga”

“Waa wax aan caadi aheyn sida ay dadka qaar wax u xukumeen, balse ma ahan cadaalad”

2 responses to ““Sadio Mane Inuu Kasoo Jeedo Qaaradda Afrika Ayaa Loogu Diiday Abaalmarinta Ballon d’Or””

  1. Nin aad u aqmlibadan ayuu ahaa ninka yidhi sadio mane abaalmarinta waxaa loogu diiday inuu kasoo jeedo Africa waa hadal aqliga gala waana ku raacsanahay anigu lkn sadan ahaan mayso oo isbadal ayaa iman doona isha allaah