SADDEXDII Rikoodh, Xaqiiqooyinkii, Xiddigii Garoonka Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Chelsea & Leeds

Chelsea ayaa barbarro goolal la’aan ah kula dhamaysatay Leeds United ciyaar ay labada kooxoodba fursado lumiyeen, laakiin Blues waxay kasii mid ahaatay afarta sare iyadoo saddex dhibcood ka sarraysa West Ham United oo kusiinegaanaysa booska afraad.

Advertisements

Chelsea ayaa ku dhowaatay inay waqti hore hoggaanka ciyaarta ku qabato kubbad ay iska dhalin gaadheen difaaca Leeds, hase yeeshee iyagana waxa laga dhaliyey gool daqiiqaddii siddeedaad waxayse nasiib ku yeesheen in offside uu noqday.

Goolhaye Mendy ayaa la baxsaday kubbad halis ahayd oo daqiiqadihii ugu dambeeyey uu Roberts ku ganay goolka, hase yeeshee goolhayaha reer Senegal ayaa gacan ku taabtay, sidaas ayaanay Blues ku badbaaday.

Rikoodhadii iyo xaqiiqooyinkii kulanka

Advertisements
  • Chelsea waxay guuleysatay 14 boqolkiiba 50kii ciyaarood ee ay u tageen Leeds United ee dhamaan tartamada. Toddoba ciyaarood oo guulo ah iyo 15 barbarro ah, waxa u raacay 28 jeer  oo laga soo badiyey.
  • Thomas Tuchel ayaan dhinaciisa dhulka la dhigin 12kii ciyaarood ee uu tababaraha u ahaa Chelsea, waxaanay isku mid noqdeen Felipe Scolari oo isagana 12kii ciyaarood ee ugu horreeyey ee Blues aan laga badinin. Ma jiro tababare kale oo Chelsea soo maray oo taariikhdan oo kale sameeyey.
  • Leeds ayaa ciyaarta maamulaysay 38.1 boqolkiiba, waxaanay ahayd ciyaartii ay ugu liiteen 120 ciyaarood oo Marcelo Bielsa uu tababare u ahaa.
  • Chelsea ayaa barbarrayso 0-0ah gashay saddex ka mid ah tobankii ciyaarood ee horyaalka Premier League ee Thomas Tuchel uu macallinka u ahaa, waana goolal la’aan ka badan 57 ciyaarood oo Frank Lampard uu Blues joogay, iyadoo macallinka la eryey laba ciyaarood oo kaliya uu 0-0 ku dhamaystay.
  • Chelsea waxa laga dhaliyey laba gool oo kaliya tobankii ciyaarood ee horyaalka Premier League ee uu Thomas Tuchel joogay. Ma jiro macallin kale oo goolkiisa sidaas u ilaashaday tan iyo xilli ciyaareedkii 2004-05 oo uu Jose Mourinho joogay, kaas oo uu ciyaartan ku barbarreeyey.
  • Ederson oo 15 kulan shabaqiisa nadiif ka dhigay oo kaliya ayaa ka wanaagsan Edouard Mendy, waxaanu shabaqiisa ilaashaday 14 ciyaarood oo horyaalka ah.

Xiddigii garoonka

N’Golo Kante ayaa ugu waxqabad badnaa ciyaartoyda labada kooxood, waxaana uu noqday xiddigii garoonka.

Halka N’Golo Kante uu xiddignimada ka qaatay Kai Havertz ayaa isaguna noqday ciyaartoygii ugu liitay kooxdiisa, waxaanay isku mid noqdeen labada laacib ee Leeds United ee Bamford oo dhaawac ku baxay qaybta hore iyo Harrison.

Qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood

Leeds: Meslier (7), Ayling (6), Llorente (7), Struijk (7), Alioski (6), Raphinha (6), Dallas (6), Phillips (6), Roberts (6), Harrison (5), Bamford (5).

Bedelka: Rodrigo (5), Costa (6), Klich (6).

Chelsea: Mendy (7), Rudiger (7), Christensen (6), Azpilicueta (6), Ziyech (6), Jorginho (6), Kante (8), Chilwell (6), Mount (7), Havertz (5), Pulisic (6).

Beddelka: James (6), Werner (6), Hudson-Odoi (6).

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*