Saddex Xaqiiqo Oo Laga Qoray Kulanka Ka Soconaya Anfield Ee Ay Liverpool Hogaanka Ka Heyso Man City.

Advertisements

Waxaa soo dhamaatay qeybta hore ciyaarta ay labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester City ku ciyaarayaan garoonka Anfield, kulanka waa mid ka tirsan horyaalka Premier League waxaana 2-0 ku hogaaminaya kooxda martida loo yahay.

Mohamed Salah iyo Fabinho ayaa laba gool u dhaliyay Liverpool 20-kii daqiiqo ee ugu horreeyay, waana labada gool ee ilaa iyo hadda ciyaarta ka dhashay, wiialsha gurigooda jooga ayaana mar walba u muuqda kuwa ugu cad-cad kulanka.

Haddaba kulanka soconaya waxaa laga qoray saddex xaqiiqo:

Mohamed Salah ayaa ka qeyb qaatay 52-gool kaliya 44-kulan uu kooxdiisa u saftay kulamada ay ku ciyaareen Anfield ee horyaalka, 38-gool ayuu dhaliyay 14-kalana wuu caawiyay.

Liverpool ayaan waligeed guuldaro la kulmin 232 kulan oo ay kulamada horyaalka ku ciyaartay Anfield isla markaana ay qeybta hore hogaanka ku qabatay 2-gool iyo wax ka badan, shan jeer ayey barbaro galeen 227-da kalana wey guuleysteen.

Advertisements

Goolka Fabinho wuxuu Liverpool kaga dhigan yahay midkii 9-aad oo ay fasalkaan kulamada Premier League ka dhaliyaan banaanka xerada ganaaxa, waana kooxda ugu badan ee sidaas sameysay.

 

Qeybta labaad ee ciyaarta wixii kusoo kordho aan aragno, Liverpool ayaana ah kooxda mar walba cabsida galineysa dhigeeda

4 responses to “Saddex Xaqiiqo Oo Laga Qoray Kulanka Ka Soconaya Anfield Ee Ay Liverpool Hogaanka Ka Heyso Man City.”