Saddex Ciyaartoy Oo Liverpool U Iibinayso Timo Werner Dartii Oo La Shaaciyey

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa samaynaysa dedaallo ay xagaagan kusoo xero-gelinayso weeraryahanka RB Leipzing ee Timo Werner oo tababare Jurgen Klopp uu u doortay inuu hoggaamiyo safkiisa weerarka.

Reds oo dareensan in dhibaatada caabuqa korona uu ku keenay dhaqaaluhu ay ku adkaynayso inay qasnaddooda kasoo saaraan lacag kaash ah oo ay ugu dhaqaaqaan 24 jirka reer Germany, waxa uu qorshaynayaa inuu saddex laacib oo hadda ka tirsan kooxdiisa uu suuqa dhigo, si lacagta lagu iibsado ay ugu doontaan Timo Werner.

Klopp ayaa waxa uu u qanacsan yahay heerka gool-dhalinta ee Werner oo xili ciyaareedkan 27 kulan oo Bundesliga ah oo uu saftay uu ku dhaliyey 21 gool iyo Champions League oo uu afar jeer shabaqa soo taabtay siddeed ciyaarood oo uu RB Leipzing afka hore u taagnaa, halka ay caawintiisuna tahay mid dabiici ah oo uu goolal badan u farsameeyo laacibiinta kale.

Timo Werner ayaa qiimihiisa lagu sheegay £51 milyan oo Gini, waxaana Reds ay doonaysaa inay hesho farsamo ay ku soo iibsan karto dhaliyahan iyagoo aan ku noqonin qasnaddooda.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Liverpool waxay iibin doontaa saddex ciyaartoy oo laba ka mid ah ay haddaba amaah kaga maqan yihiin iyo kan saddexaad oo boos joogto ah ka waayey.

Laacibka khadka dhexe ee Xherdan Shaqiri ayaa noqonaya ciyaartoyga ugu horreeya ee ay Liverpool u iibin doonto Timo Werner dartii, waxaana qiimihiisa lagu sheegay illaa 27 milyan oo Gini.

Labada ciyaartoy ee kale ayaa waxay yihiin Harry Wilson oo Bournemouth amaah kula jooga iyo Marko Grujic oo Hertha Berlin ku maqan, waxaanay isku-geyn ku doonaysaa in laga siisto labadooda 40 milyan oo Gini.

Liverpool ayaa faa’iido u aragta haddii ay 67 milyan ka samayso saddexdan ciyaartoy maadaama aanay marka horeba muhiim ka ahayn kooxda dhexdeeda.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*