Sababta Rasmiga Ah Ee Loo Bedelay Hudson-Odoi Oo Isaguba Bedel Ku Soo Galay Ciyaarta Oo La Sharaxay & Thomas Tuchel Oo Naxariis Laawe Noqday

Advertisements

Thomas Tuchel ayaa qirtay inuu ka xaqaanay qaab ciyaareedka Callum Hudson-Odoi taasna ay sabab u noqotay inuu bedelo xiddiga Ingariiska oo isaguba bedel ku soo galay ciyaartii ay Chelsea barbaraha 1-1 kala kulantay Southampton.

Iyadoo Chelsea 1-0 lagu hogaaminayo waqtigii nasashada, Hudson-Odoi ayaa ciyaarta la soo geliyay isagoo bedelay Tammy Abraham.

Bedelkii uu Tuchel soo gelin lahaa Olivier Giroud oo ahaa bedelkiisa tooska ah, wuxuu ka doortay Hudson-Odoi.

Si kastaba, inka yar 30 daqiiqo ka dib iyadoo ciyaarta ay noqotay barbaro 1-1 ah ka dib rigooradii uu dhaliyay Mason Mount, Hudson-Odoi ayaa la soo bixiyay waxaana bedelay Hakim Ziyech oo dheelay 15kii daqiiqo ee ugu danbeysay.

Ma jirin wax calaamad dhaawac ah oo ka muuqday xiddiga Ingariiska kaasoo carro darteed u haraantiyay caag biyo markii uu ku sii socday kursiga keydka.

Tuchel ayaa ciyaarta ka dib qirtay inuusan la dhicin dabeecada iyo qaab ciyaareedka Hudson-Odoi islamarkaana bedelkiisa uu ahaa mid kaliya la xiriiray qaab ciyaareed xumadiisa.

Wuxuu u sheegay BT Sport: “Hudson-Odoi kuma faraxneyn dabeecadiisa iyo tamartiisa.

“Waxaan go’aansanay inaan soo bixino. Waxaan ka dalbanaa ciyaartoyda inay dadaal boqolkiiba 100 ah soo bandhigaan. Waxaan dareemay inuusan qaab fiican ku jirin islamarkaana uu ina caawin karin.

“Waa ay ku adag tahay ciyaartoyda go’aankaan laakiin berri waa la iska ilaawayaa. Wuxuu fursad u heystaa inuu ku soo bilowdo kulanka Atletico.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*