Sababta Rasmiga Ah Ee Dib U Dhigeysa In Man United Ay Dhameystirto Saxiixa Bruno Fernandes Oo La Ogaaday

Advertisements

Manchester United ayaa wajaheysa dib u dhac la xiriira dhameystirka saxiixa Bruno Fernandes madaama Sporting Lisbong ay dooneyso inay sii heysato xiddiga khadka dhexe ilaa iyo kulankooda soo socda ee Benfica sida ay sheegayaan wararka ka soo baxaya Portugal.

Wadahadalo ayaa dhexmaray Man United iyo kooxda reer Portugal oo ku kulmay magaalada London Jimcihii laakiin wax heshiis ah lama gaarin.

United ayaa u gudbisay dalab gaaraya 70 milyan euro laakiin waxa ay sidoo kale diyaar u yihiin inay ciyaaryahan ka qeyb dhigaan heshiiska, waxaa u sharaxan inay heshiiska qeyb ka noqdaan midkood Andreas Pereira ama Marcos Rojo.

Sida ay sheegtay telifishinka Portugal ka baxa ee TVI 24, United iyo Sporting waxay heshiis ka gaari doonaan saxiixa Fernandes ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Laakiin waxaa la sheegay in Sporting ay dib u dhigeyso heshiiska sababtoo ah waxay doonayaan in Fernandes uu ciyaaro kulaka dag ee ay Sporting wajaheyso Benfica habeenka Jimcaha.

Sporting waxay haatan ku jiraan kaalinta afaraad ee kala sareynta horyaalka Primeira Liga iyagoo 16 dhibcood ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee Benfica.

Advertisements

Si kastaba, Ferandes ayaa fure u ahaa kooxda Sporting xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 15 gool islamarkaana sameeyay 13 caawin tartamada oo dhan ilaa iyo haatan.

Tababaraha kooxda Sporting Silas oo hadlayay ka dib markii ay kooxdiisa 3-1 kaga badisay Setubal habeenkii Sabtida ayaa sheegay in Fernandes uu isbuuc kale sii joogi doono kooxda.

2 responses to “Sababta Rasmiga Ah Ee Dib U Dhigeysa In Man United Ay Dhameystirto Saxiixa Bruno Fernandes Oo La Ogaaday”

  1. Marka hore waad mahad santihiin sida sharafta leh ee aad wrka noogu soo gudbiseen lkn khalad yar ayaa jira oo ah meesha horyalka premier league ah waxa weeye Portugal league thnks

  2. Rer miyi ayd tahay kagan yzinka ldhahow orod soo baro league Portugal wxa ldhaho primeira liga aya ldhaha

Leave a Reply

Your email address will not be published.