Saamaynta Ceballos – Xiddig Arsenal Ah Oo Haatanba Dani Ceballos Gaar Ula Sheekaysta Kana Waraysta Nolosha Real Madrid & Santiago Bernabeu.

Advertisements

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ah mid wali ka fikiraya haddii uu mar uun ku biiri doono kooxda caasimada Spain ee Real Madrid oo uu haatan wararkii la xidhiidhin jiray dib usoo huriyay.

Weeraryahankan ree Gabon ayaa qalbiga gashaday inuu u dhaqaaqi doono dhinaca Real wakhtigiisii Borussia Dortmund isaga oo markasta si joogto ah uga hadli jiray kooxdaas.

Arsenal Pierre Emerick Aubameyang Real Madrid

Ugu dambayn Aubameyang ayaa u wareegay dhinaca kooxdiisa haatan ee Arsenal bishii January ee 2018 kaddib markii Real Madrid ay ka gaabisay inay wax dalab ah ka gudbiso.

Iyadoo ay sidaas tahay ayuu website-ka ree Spain ee Defensa Central sheegayaa in Auba uu haatan si gaar ahaaneed ula sheekayso Dani Ceballos isla markaana uu ka waraysto nolosha Santiago Bernabeu.

Ceballos ayaa qaab amaah ah kaga soo maqan dhinaca Real Madrid walow aan la filayn inuu si rasmi ah ugu wareego Arsenal maadaama madaxweyne Florentino Perez oo xiddigan ciyaartiisa jeceli uu diiday inay rasmi u fasaxaan.

Advertisements

Si lamid ah Ceballos, Aubameyang ayaa sidoo kale loo malaynayaa inuu arrimaha Los Blancos ka warraysto Mesut Ozil oo qudhiisu saddex sano oo guul ah kusoo qaatay Bernabeu intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2013.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Tartanka Da'yarka Mucjisada Ah Ee Haaland Oo Adkaaday & LABA Kooxood Oo Kula Soo Biiray Tartankiisa.

Si kastaba ha ahaatee, 30 jirkan ayaa rajaynaya inuu maalin uun rumayn doono riyadiisa Real Madrid iyo waliba balantii uu ka qaaday awoowihiis ee ahayd inuu kooxdaas matali doono sidii uu isagu hore u sheegay.

 

Comments are closed.