Hilinka caanka ah ee Sky Sports ayaa saadaaliyay kulamada horyaalka Premier League ee la ciyaarayo Sabtida iyo Axada iyadoo kulan weyn uu Sabtida dhexmarayo kooxaha reer London ee Arsenal iyo Chelsea.
Inkastoo Arsenal aysan badinin todobadii kulan ee ugu danbeysay, hadana Sky Sports waxay saadaaliyay in Gunners ay 1-0 kaga badin doonto kooxda ay xafiiltamaan ee Chelsea kulanka Emirates Stadium.
Maalinta Boxing Day ee Sabtida waxaa sidoo kale kulan weyn uu dhexmarayaa kooxaha Leicester City iyo Man United, iyadoo Sky Sports ay saadaalisay in Shayaadiinta Cas Cas ay 1-0 ku badin doonaan.
Man City waxay soo dhaweyn doontaa Newcastle iyadoo Sky Sports ay saadaalisay in kooxda Pep Guardiola ay 5-0 ku xasuuqi doonaan Newcastle.
Kooxda hogaamineysa horyaalka ee Liverpool oo Anfield kula ciyaareysa West Brom ayaa iyadana loo saadaaliyay guul 2-0 ah.
Tottenham oo booqaneysa Wolves waxaa loo saadaaliyay inay barbaro 1-1 ah soo geli doonaan.
Saadaasha Kulamada Sabtida Iyo Axada Ee Premier League:
Leicester City 0-1 Man United
Aston Villa 2-0 Crystal Palace
Fulham 2-1 Southampton
Arsenal 1-0 Chelsea
Man City 5-0 Newcastle
Sheffield United 1-0 Everton
Leeds 1-2 Burnley
West Ham 0-0 Brighton
Liverpool 2-0 West Brom
Wolves 1-1 Tottenham
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Kani waa benaaale