SAADAAL: Mourinho, Lampard, Guardiola, Klopp – Midkee Noqon Doona Tababaraha Ugu Horreeya Ee Shaqada Laga Caydhiyo Xili Ciyaareedkan?

Advertisements

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxay kooxuhu ciyaareen kulamadii ugu horreeyey, waxaana markiiba madax-xanuun lasoo dersay tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho oo guul-darro xanuun badan loogu xambaariyey garoonkiisa.

Everton ayaa ku garaacday 1-0, waxaanu guul-darrada kaga falceliyey inuu dhalleecayn u jeediyey ciyaartoyda kooxdiisa, taas oo keentay inay kala-qaybsanaan iyo khilaaf durba ka bilowdo.

Guul-darradna oo ahayd mid rikoodh lagaga jabiyey Jose Mourinho oo muddadii uu tababaraha ka ahaa Premier League aan marna laga badin ciyaarta ugu horreysa, waxa loo dheg-taagayaa sida ay noqdaan natiijooyinka kulamada soo socda, kuwaas oo saamayn ku yeelan doona mustaqbalkiisa.

Advertisements

20ka tababare ee kooxaha horyaalka Premier League ayay u badan tahay in dhamaantood aanay horyaalka xili ciyaareedkan wada dhamaysan doonin, laakiin qaar ka mid ah shaqada laga caydhin doono inta aanu xili ciyaareedkuba badhtamaha gaadhin.

Saadaal ay samaysay Oddscheker ayaa waxay soo bandhigtay sida ay tababareyaasha horyaalku ugu kala badqabaan inay shaqadooda sii haystaan, waxaanay saadaalisay in tababaraha West Ham United ee David Moyes uu noqon doono midka ugu horreeya ee shaqada laga caydhin doono.

Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp ayaa ah midka ay shaqadiisu badqabka tahay ee aanay marnaba halistu ku jirin, waxaana kusoo xiga Chris Wilder oo Sheffield United layliya iyo Mikel Arteta oo isku duba-riday Arsenal.

Halkan kaga bogo saadaasha tababaraha loogu hor caydhin doono xili ciyaareedkan:

20. Jurgen Klopp (Liverpool) – 100/1

19. Chris Wilder (Sheffield United) – 35/1

18. Mikel Arteta (Arsenal) – 35/1

17. Carlo Ancelotti (Everton) – 33/1

16. Ole Gunnar Solskjaer (Manchester United) – 25/1

15. Brendan Rodgers (Leicester City) – 25/1

14. Marcelo Bielsa (Leeds United) – 25/1

13. Nuno Espírito Santo (Wolverhampton Wanderers) – 22/1

12. Pep Guardiola (Manchester City) – 20/1

11. Graham Potter (Brighton & Hove Albion) – 18/1

10. Ralph Hasenhüttl (Southampton) – 17/1

9. Steve Bruce (Newcastle United) – 17/1

8. Frank Lampard (Chelsea) – 16/1

7. Dean Smith (Aston Villa) – 16/1

6. Sean Dyche (Burnley) – 16/1

5. Slaven Bilic (West Bromwich Albion) – 14/1

4. Jose Mourinho (Tottenham Hotspur) – 8/1

3. Roy Hodgson (Crystal Palace) – 11/12

2. Scott Parker (Fulham) – 4/1

1. David Moyes (West Ham United) – 2/1

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

2 Fekradood

  1. Koleyba Anagga Klopp Ceyrin Meyno Waa Sideey Ilee Tahay. Macalinka In La Eryo Ugu Dhow Waa Lampard Ama Mourinho Siiba Lampard Ileyn Odayga Chelsea Leh Dulqaad Maleh Siiba Marko Lacag Badan Qarash Gareyo.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*