SAADAAL: Mark Lawrenson Oo Soo Saaray Saadaasha Kulamada 28aad Ee Premier League – Muxuu Ku Saadaaliyey Man City vs Man United & Chelsea vs Everton?

Labada kooxood ee isku magaalada ah ee Manchester City iyo Manchester United ayaa Axadda ku kulmi doona garoonka Etihad  Stadium, waxaanu Pep Guardiola oo guuleysta uu kusii dhowaan doona hanashada horyaalka, iyadoo uu dhigi doono rikoodhkii guulaha isku xiga ee ugu badnaa qarnigan 21aad dhamaan shanta horyaal ee waaweyn.

Advertisements

Khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson oo saadaaliyey kulamada usbuuca 28aad ee horyaalka Premier League ayaa waxa uu tiir-dhexaad uga dhigay saadaashiisa kulanka Manchester Derby, sua’aal ahayd: “Kulanka Manchester derby ee Axadda, miyey kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer  noqon kartaa mid halkaa ku joojisa rikoodhka guulaha xidhiidhka Man City ee 21ka ciyaarood maraya?”

Mark Lawrenson ayaa intaas raaciyey: “Waxay ku xidhan tahay waxa Manchester United ay go’aansato inay samayso. Laba jeer ayay City hore ugu garaaceen Etihad Stadium xili ciyaareedkii hore, waxaanay ku fikirayaan ‘aynu mar kale sidii samayno’ iyo waa waqtigii.”

Marka laga yimaaddo Manchester derby, ciyaar kale oo adag ayaa ka dhici doonta garoonka Stamford Bridge ee magaalada London, halkaas oo Chelsea ay ku qaabbili doonto Everton oo uu hormood u yahay tababarihii hore ee Blues ee Carlo Ancelotti.

Advertisements

Mark Lawrenson ayaa u saadaaliyey Chelsea inay sii wadi doonto rikoodhkeeda guul-darro la’aanta ah tan iyo intii uu Thomas Tuchel la wareegay, isla markaana ay guushii siddeedaad gaadhi doonaan, iyagoo saddex horena barbarreeyey, balse aan marna laga  adkaanin dhamaan tartamada.

Laakiin Manchester City ayaa Etihad Stadium dhex jiid-jiidi doonta Man United oo ay kusoo garaaci doonto 2-0, taas oo Red Devils uga dhignaan doonta kulankii afraad oo xidhiidh ah ee ay guuleysan waayaan iyagoo hore saddex ciyaarood oo barbarro goolal la’aan ah usoo galay.

Arsenal ayaa iyaduna lumin doonta laba dhibcood marka ay Sabtida u tagto Burnley, waxaana lagu qaban doonaa barbarro 1-1, sida Mark Lawrenson uu saadaaliyey.

Liverpool oo shan ciyaarood oo xidhiidh ah lagu garaacay garoonkeeda Anfield ayaa mar kale ku ciyaaaraysa isla garoonkeeda oo ay kusoo dhoweyn doonto Fulham, waxaanay markan heli doontaa guul 2-0 ah.

Halkan kaga bogo saadaasha Mark Lawrenson ee kulamada 28aad ee horyaalka Premier League oo dhamaystiran:

Sabtid:

Burnley 1-1 Arsenal

Sheffield United 1-1 Southampton

Aston Villa 0-1 Wolves

Brighton 2-0 Leicester City

Axadda:

West Brom 0-0 Newcastle

Liverpool 2-0 Fulham

Manchester City 2-0 Manchester United

Tottenham 2-0 Crystal Palace

Isniinta:

Chelsea 2-0 Everton

West Ham 2-0 Leeds United

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*