SAADAAL: Man City Oo Karbaashaysa Man United, Liverpool Oo Mar Kale Kufaysa, Arsenal Oo Waji-Gabax La Kulmaysa Iyo SKY SPORTS Oo Saadaaliyey Kulamada Usbuucan

Manchester City ayaa 15 dhibcood ku qaban doonta hoggaanka horyaalka Premier League, iyadoo ku tuman doonta Manchester United oo kaalinta labaad ku jirta, Axaddana ay ku qaabbili doonto Etihad Stadium, taas oo u noqon doonta guushii 22aad oo xidhiidh ah ee Manchester City ay gaadho. Sidaa waxa lagu sheegay saadaasha Sky Sports ee kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan.

Advertisements

Liverpool oo shan ciyaarood oo xidhiidh ah lagu garaacay garoonkeeda Anfield ayaa mar kale qalbi-jab iyo rikoodhkii ugu xumaa kula kulmi doonta hoygeeda, waxaana barbarro ku qaban doonta kooxda heerka labaad ka timid ee Fulham.

Sky Sports oo saadaaliyey kulamada horyaalka Premier League oo usbuucan ayaa waxa uu ka nixiyey inta badan kooxaha waaweyn marka laga reebo Manchester City iyo Chelsea.

Saadaashan oo u sameeyey Jones Knows ayaa waxa kale oo ay ka nixisay Arsenal oo iyadoo marti u ah Burnley waqti hore oo Sabtida maanta ah kala soo laaban doonta barbarro, taas oo ka dhigan inay Tottenham la ciyaari doonaan iyagoo laba dhibcood oo kale lumiyey.

Advertisements

Southampton ayaa jidka guusha kusoo laaban doonta, isla markaana sare usoo kici doonta bilo ay hoos usii socotay kaddib, waxaanay guul dirqi ah dhibcaha kaga qaadan doonaan Sheffield United. Laakiin Aston Villa ayuu damaceedii ahaa inay Europa League ka qayb-gasho xili ciyaareedka dambe ay jug culus gaadhi doontaa, waxaana 2-1 ku garaaci doonta Wolves.

Leicester City ayaa kaalinta labaad ee horyaalka Premier League ku fadhiisan doonta, iyadoo guul weyn ka gaadhi doonta Brighton, taas oo uga dhigan in Brenden Rodgers ay kooxdiisu kusoo laabanayso kaalinta labaad kaddib khasaarihii ay Arsenal u xambaarisay usbuucii hore.

Halkan kaga bogo saadaasha kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League ee Sky Sports

Burnley 1-1 Arsenal

Sheffield United 0-1 Southampton

Aston Villa 1-2 Wolves

Brighton 0-2 Leicester

West Brom 1-0 Newcastle

Liverpool 1-1 Fulham

Man City 2-0 Man Utd

Tottenham 2-0 Crystal Palace

Chelsea 1-0 Everton

West Ham 2-1 Leeds

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*