SAADAAL: Khabiir Takhasaus Ku Ah Arrimaha Tiro-Koobka Oo Saadaalin Ku Sameeyay Premier League Xilli Ciyaareedkan, Kooxda Uu Horyaalka U Rajeeyay & AFARTA Sarre.

Advertisements

Horyaalka Premier League gaar ahaan xilli ciyaareedkii 2019-20 ayaa ah mid hada uun curtay iyadoo durtaba sida uu xilli ciyaareedka kooxaha kala duwani noqon doono lasii sawiran karo.

Kooxda uu hoggaanka u yahay Jurgen Klopp ee Liverpool ayaan wali hal dhibic lumin kaddib siddeed kulan waxaana ay siddeed dhibcood ka sarreeyaan kooxda booska labaad ee Manchester City.

Arsenal, Chelsea iyo Leicester City ayaa qaab ciyaareedyo ay afarta sarre ku gali karaan soo muujiyay ilaa haatan halka arrinka Manchester United uu yahay mid aad u heer hooseeya xilli ay booska 12-aad ee miiska kala sarreynta horyaalka fadhiyaan.

Iyadoo ay sidaas tahay ayuu haatan saadaal ku sameeyay miiska kama dambaysta ah ee horyaalka il wareedka Five Thirty Eight oo uu hindisay Nate Silver oo dunida caan kaga ah tiro-koobka iyo xog ururinta.

Booska koowaad ayuu Silver u saadaaliyay kooxda Liverpool oo uu aaminsan yahay inay 90 dhibcood horyaalka ku hanan doonto halka uu booska labaad 87 dhibcood ugu rajeeyay Manchester City.

Booska saddexaad ayuu kaga farxiyay kooxda da’yarta u badan ee Chelsea oo uu 69 dhibcood u saadaaliyay halka uu afarta sarre ku dhammaystiray Arsenal oo uu 63 dhibcood u rajeeyay.

Advertisements

Shanaad ayuu u arkaa mid ay geli doonto Tottenham oo uu 59 dhibcood u saadaalinayo halka uu lixaad siiyay Leicester City oo uu 58 dhibcood u filanayo balse Manchester United ayuu si waji gabax leh booska toddobaad u fadhiisiyay isagoo 55 dhibcood u rajaynaya.

Saddexda kooxood ee heerka labaad u dhaadhici doona ayuu u saadaaliyay Aston Villa oo haatan qaab aad u wanaagsan ku jirta, Watford iyo Norwich oo kaalmaha ugu hooseeya ee horyaalka ku jira.

2 responses to “SAADAAL: Khabiir Takhasaus Ku Ah Arrimaha Tiro-Koobka Oo Saadaalin Ku Sameeyay Premier League Xilli Ciyaareedkan, Kooxda Uu Horyaalka U Rajeeyay & AFARTA Sarre.”

  1. Ahmad Adan says:

    Ninkaan wixiisa saadaalin lama dhihi karo maxaa yeelay wuxuu sheegay ama saadaaiyey waa wada qalad marka lama saadaalin karo sanad ciyaareed oo hada bilow ah lkn wuu iska yiri un mooyee sidan saadaalin ma ahan.
    1. Liverpool 99 points
    2. Chelsea 90 points
    3. Man. City 85 points
    4. Leicester 76 points
    5. Arsenal 74 points
    6. Tottenham 60 points
    7. ManUnited 58 points

  2. Man utd 97 liverpool 94 man city 92 Chelsea 90 arsenal 89