Roy Keane ayaa aaminsan in Virgil van Dijk uu yahay xiddiga kaliya ee ciyaartoyda haatan ee Liverpool ee boos ka heli lahaa kooxdii seddexda koob qaaday ee Man United.
Xiddigii hore ee khadka dhexe oo 49 sanno jir ah ayaa ahaa udub dhexaadka kooxdii Sir Alex Ferguson ee isku qaaday Premier League, FA Cup iyo Champions League xilli ciyaareedkii 1998-99.
Iyadoo Reds ay haatan heysato koobka Premier League islamarkaana ay soo jabiyeen rikoodho badan, Keane ayaa aminsan in Van Dijk uu yahay ciyaaryahanka kaliya ee horumarin karay kooxdii 1999kii ee Man United.
Keane iyo Jamie Carragher ayaa xushay shaxdooda isku dhafka ah, wax badan ayayna ku kala feker duwanaadeen laakiin waxay ugu yaraan isku raaceen in Van Dijk uu shaxdii United ee xilli ciyaareedkii 1998-99 ka bedelay Ronny Johnsen.
Carragher ayaa yiri: “Uma maleynayo inay tahay go’aan weyn, Van Dijk ka garab ciyaarsii Jaap Stam. Laakiin kumaa fiican labadooda?”
Keane ayaa ku jawaabay: “Taageere weyn ayaan u ahay Van Dijk. Ninkaas waa mashiin. Laakiin Jaap isagaba waa mashiin, Jaap wuxuu ahaa fantastik.
“Van Dijk ayaase kubada ku yara fiican. Labadooda oo iska garab ciyaaraya suurtogal ma noqoneyso inay goolal badan lagaa dhaliyo.”
Labada nin ayaa isku raacay goolka inuu galo Peter Schmeichel halka ay sidoo kale xusheen geesiyaashii Unioted ee Jaap Stam, Denis Irwin, David Beckham, Keane isaga shaqsi ahaantiisa inkastoo uu isku tilmaamay inuu ahaa ciyaaryahan iska meel dhexaad ah – Paul Scholes iyo Dwight Yorke.
Waxay labada nin sidoo kale xusheen xiddiga haatan Liverpool ee Van Dijk inuu wadnaha daafaca ka garab dheelo Stam.
Laakiin meelo badan ayay ku kala duwaanayeen halkaan hoose ka eeg labada shax ee ay kala doorteen ee isku dhafka kooxdii Man United ee 1999 iyo kooxda haatan ee Liverpool.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora