“Ronaldo Waa Midka Ugu Wanaagsan Xerada Ganaaxa Dhexdeeda Laakiin Jidh Ahaan Uma Muuqdo Mid U Xoogan Sidii Sanad Kahor”.

Advertisements

Tababaraha ree Talyaani ee Fabio Capello oo waraysi uu siiyay GdS dhinacyo badan ku taabtay ayaa kaga hadlay wax ku saabsan weeraryahana kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo iyo xaaladiisa jidh ahaaneed ee wakhti xaadirkan.

Ronaldo ayaa suuqa sanadkii 2018 u wareegay Juventus waxaana uu mudadiisa halkaas u muuqdaa mid qaab wanaagsan ula qabsaday, Walow uusan qaab ciyaareedkiisii Real Madrid soo bandhigin haddana duruufta ah la qabsiga horyaal cusub ayaa ah mida uu amaanta ku mudanayo.

Tan iyo wakhtigaas CR7 ayaa kusoo guuleystay horyaalka Serie A oo uu door fiican kulahaa in Bianconeri ay markii siddeedaad oo xidhiidh ah hanato halka xilli ciyaareedkii hore loo aqoonsaday xiddigii ugu fiicnaa horyaalka.

Xaalad kastaba, Hanaankii Ronaldo ee kulankii ugu dambeeyay ee Lokomotiv Moscow ayaan ahayn mid uu la dhacay tababare Capello isaga oo sheegay in da’du ay haatan kasoo muuqanayso Ronaldo jidh ahaana uusan ahayn sidii uu sanad kahor ahaa.

Advertisements

Hadalka Capello ayaa ah mid imanaya xilli kulankaas uu Ronaldo qaab aan fiicnayn u ciyaaray isla markaana uu bedel ku sameeyay tababare Maurizio Sarri.

Fabio Capello oo arrimaha Ronaldo ka warramaya ayaa yidhi “Xerada ganaaxa dhexdeeda waxa uu wali sii yahay midka ugu fiican, Laakiin jidh ahaan anigu uma arko mid u xoogan sidii sanad kahor tanina waxa ay sharraxaysaa sababta uu Sarri u saaray kulankii Moscow, Maamulista 34 sano jir waa muhiim”.

 

8 responses to ““Ronaldo Waa Midka Ugu Wanaagsan Xerada Ganaaxa Dhexdeeda Laakiin Jidh Ahaan Uma Muuqdo Mid U Xoogan Sidii Sanad Kahor”.”

  1. Waraa adinka Ronaldo Shaqo aan ahayn ma weyseen Sharafta Alla idinka qaad .. Mesha war ayaan u imaanay naga daaya dhoocilkan warkiisa

  2. messi baa qaba kan waxan soo qoray ee la yidhaah abdi hakim
    walaashaana sii
    jaahil ciilqabe ah oo website loo dhiibay

  3. fikirkaz MaxuMo
    C.Ronaldo waa mid kamida ragga
    ugu wangsN xirfadda kubadda dhanka
    goal dhalinta
    waan dareeMi karaa da.da
    waayo iyadu waa cudur aan dawo lahayn waqtigaaN ronaldo waa da,da
    baan oran karaa hadda inkazto xirfaddisii ay joogTo jir dhiz badan
    usameeyay uuNa ku joogo halka uso gaaray maanto waayo hadduusaN dhiziN jirka waqtigaan maso gaareen