Ronaldo Nazario Oo Raalligeliyey Hooyooyinka Carruurtii Ku Dayan Jirtay Intii Waqtigii Uu Muuqaalkiisu Sidan Ahaa

Halyeygii reer Brazil ee Ronaldo Nazario  ayaa raalligelin u diray hooyooyinka adduunka, isagoo tilmaamay in uu ka xun yahay sidii uu u xiirtay intii ay socdeen ciyaarihii Koobkii Adduunka 2002 uu u qaaday dalkiisa.

Advertisements

Ronaldo Nazario ayaa ahaa xiddigii waddankiisa u horseeday in ay ku guuleystaan Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Japan iyo Korea, kaas oo uu lasoo galay muuqaal lala yaabay oo ahaa in uu xiiray dhamaan timaha madaxiisa marka laga reebo foodda hore oo uu daystay.

R9 ayaa ka hor intii aanu Koobka Adduunku bilaabmin waxa uu kasoo laabtay dhaawac ku dhowaad muddo laba sannadood ah uu ku maqnaa oo kasoo gaadhay jilibka, kaas oo sannadkii 1999kii ku habsaday laakiin uu kasoo kabtay oo uu ciyaaray kulan u dhexeeyey Inter Milan iyo Lazio, hase yeeshee uu isla ciyaartaas oo socota dib u dhaawacmay oo garoonka laga dhex-qaaday, isugeyn dhaawacyadaasina ay ku qaateen laba sannadood waqti ku dhow.

Si kastaba, Ronaldo oo u warramayay wargeyska kasoo baxa waddanka Spain ee Football Esana ayaa sharraxay sababta uu timihiisa ugu xiirtay qaabka fool-xumada leh, waxaanu yidhi: “Waxaan arkay ciyaartoyda asxaabtayda oo aan weydiiyey, ‘Miyaad arkaysaan sida aan u xiirtay?’ Waxay igu yidhaahdeen, ‘Maya, way fool xun tahay! iska jar (foodda)! Laakiin wariyeyaasha ayaa arkayay xiirashadayda waxaanay illoobeen dhaawacaygii.”

Advertisements

Intaas kaddib waxa  uu Ronaldo raalligelin u diray dhamaan hooyooyinka ay carruurtoodu arkeen qaabka xiirashadiisa ee ay qaarkoodna ku daydeen, waxaanu yidhi: “Waxaan raalligelinayaa dhamaan hooyooyinka arkay carruurtooda oo sidayda oo kale u xiirtay.”

Ronaldo ayaa Koobkii Adduunka 2002 waxa uu dhaliyey siddeed gool, iyadoo qarankiisana uu la qaatay Koobkii Shanaad ee Adduun.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*