Ronaldo, Messi, Ozil Iyo Xiddigaha Kale Ee Waa Weyn Ee Hal Horyaal Ku Midoobaya Goor Dhow

Advertisements

Iydoo Lionel Messi iyo Mesut Ozil ay dhawaan sheegeen sida ay u jecel yihiin inay uga ciyaaraan horyaalka Mareykanka, waxay u muuqataa in Mareykanka uu noqonayo meel soo jiidata xiddigaha gaboobay ee ka dheelaya Yurub.

Hadalkooda ayaa noqday mid soo jiita kooxaha Mareykanka iyadoo kooxo dhowr ah ay ku riyoonayaan fekerka ah inay xiddigo waa weyn kala soo wareegaan Yurub.

Radamel Falcao wuxuu ku biiri karaa Inter Miami

Kooxda David Beckham uu dhistay ee Inter Miami ayaa durbaba la saxiixatay Gonzalo Higuain, waxayna doonayaan inay weerarka kula laamaaniyaan Radamel Falcao.

Ozil waa riyada DC United

Kooxdii hore ee Wayne Rooney, DC United ayaa xiiseyneysa xiddiga Jarmalka, waxayna u soo bandhigeen qandaraas. Wuxuu ku biiri karaa xagaaga marka uu dhaco qandaraaskiisa ama haddii uu burburo heshiiska bishaan Janaayo la filayo inuu ugu wareego Fenerbahce.

Messi, xiddig ay cid walba dooneyso

Messi ayaa qirtay inuu doonayo inuu ka ciyaaro horyaalka Mareykanka ee loo yaqaano MLS ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisanin, kooxda New York City FC ayaa ka mid ah kooxaha sida xoogan loola xiriirinayo, laakiin waxay caawinaad ka doonayaan Manchester City kuwaasoo ka caawin kara in Messi uu Mareykanka u gudbo marka uu Etihad ka dhameysto howshiisa.

Luis Suarez wuxuu Messi kula midoobi karaa MLS.

Qandaraaska uu Luis Suarez ku joogo Atletico Madrid wuxuu ku eg yahay sannadka 2022, waxaa jiray xan la xiriirta in Suarez uu ku biirayo kooxda Inter Miami.

Cristiano Ronaldo oo Nani kula midoobi kara Orlando

Cristiano ayaa la sheegay inuu u ku yiri Nani inuu jeclaan lahaa inuu kula biiro MLS, waxay u wada ciyaari karaan kooxda Orlando City oo uu Kaka u soo dheelay.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*