Cristiano Ronaldo: Galmada Aan La Sameeyo Georgina Ayaa Iiga Fiican Goolkeygii Abid Iigu Quruxda Badnaa

Advertisements

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in galmada uu la sameeyo saaxiibtiisa Georgina Rodriguez inay aad uga fiican tahay goolkiisii ugu fiicnaa ee uu abid dhaliyay waayihiisa ciyaareed.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay ITV, Ronaldo ayaa wax laga weydiyay goolkii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyay Juventus bishii April 2018 isagoo u dheelaya Real Madrid.

34 jirkaan ayaa sheegay in goolkaas uu yahay midkii ugu fiicnaa ee uu abid dhaliyay, laakiin waxa uu sheegay inaysan u dhigmin inuu galmada uu la sameeyo saxiibtiisa 25 jirka ah Georgina.

“Maya, maya, iskuma dhigmaan, Geo ayaa iiga fiican, maya!” ayuu yiri Ronaldo isagoo ku qoslaya su’aasha.

“Waxaan isku dayay inaan goolkaan dhaliyo muddo sannado ah. Waxaan dhaliyay in ka badan 700 gool laakiin tan oo kale ma dhalinin. Waxay aheyd gool qurux badan oo aan si fiican u booday.

“Qaabka aan ku sameeyay Gianluigi Buffon ee kulankii Juventus ee Champions League. Waxay aheyd gool aad u qurux badan.”

Ronaldo ayaa sidoo kale amaanay gabadha ay saaxiibka yihiin ee Georgina oo canug u gashay islamarkaana ay isla korsanayaan seddex caruur kale.

Advertisements

Markii la weydiiyay haddii uu guursanayo Georgina, waxa uu Ronaldo ku jawaabay: “Maalin uun waan isguursan doonaa. Waa hubaal inaan maalin uun isguursan doono.

“Waa riyada hooyadeey. Sidaasi darteed maalin uun waa ay dhici doonta. Maxaa diidaya?”

Comments are closed.