Ronaldinho Oo Magacaabay Laacib Ka Tirsan Arsenal Oo Soo Xasuusiya Halyeygii Brazil Ee Ronaldo Iyo Tayada Ay Isku Midka Ka Yihiin

Advertisements

Xiddigii reer Brazil ee Ronaldinho ayaa ka hadlay mustaqbalka ifaya ee mid ka mid ah laacibiinta da’da yar ee Arsenal, kaas oo kulamadii ugu dambeeyey isku muujiyey inuu yahay ciyaartoy mustaqbal weyn leh oo tababare Mikel Arteta ay tahay inuu fursad siiyo.

Ronaldinho waxa uu saadaaliyey in 18 jirka Arsenal ee Gabriel Martinelli uu leeyahay saansaantii uu ku noqon lahaa halyey dunida magac kaga taga, isla markaana leh qaab ciyaareedkii Ronaldo oo ifafaalaha kasoo baxaya ay u caddaynayaan inuu ku taagan yahay raadkii R9.

Xiddigan hore ugu soo ciyaaray Barcelona iyo PSG, sidoo kalena waddankiisa ka caawiyey inuu ku guuleysto Koobkii Adduunka ee 2002, waxa uu dib u xasuustay sidii uu ahaa Ronaldo Nazario markii uu qaaradda Yurub soo galay iyadoo ay da’diisu ahayd 18 sannadood jir, waxaana uu barbar-dhigay Martinelli oo isaguna hadda 18 jir ah.

Waxa kale oo uu tilmaamay in reer Brazil ay Martinelli ay u arkaan xiddigooda mustaqbalka, taas oo ay sabab u tahay kalsoonida badan ee ku jirta oo uu ka raadraacayo Ronaldo Nazario.

“Haddii aanu nahay reer brazil aad ayaanu ula dhacsanahay isaga iyo mustaqbalkiisaba. Waa shay ka mid ah oo ay tahay inaad hibo u lahaato, laakiin ta kale ee da’da 18 jirka waa inaad kalsooni haysato. Aniga wuxuu isoo xasuusiyaa Ronaldo oo xili ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee uu Yurub yimid dhaliyey 30 gool, dadkuna ay ku fikirayeen: ‘Waa ayo wiilkan 18 jirka ah ee reer Brazil?'” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Ronaldinho.

Waxa kale oo uu tilmaamay waxyaabaha uu Ronaldo iyo Martinelli ay ka midaysan yihiin, waxaanu yidhi: “Wuxuu doonayey kubadda, wuxuu hdex ordi karayey ciyaaryahannada iyadoo aanay wax cabsi ah ka haynin kooxda uu la ciyaarayo, waxaanan arkaa inuu taas ka midaysan yihiin Martinelli.

“Kaliya wuxuu doonayaa kubadda iyo inuu goolal dhaliyo. Ronaldo wuxuu noqday xiddiga ugu wanaagsan dunida, taasina waxay ka mid tahay ujeeddooyinka Martinelli.”

Martinelli ayaa mar horeba diiwaanka taariikhda Arsenal isku qoray, waxaanu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee da’yar ah ee u dhaliya toban gool tan iyo intii ka dambaysay Nicolas Anelka, waxaanu rikoodhkiisa gaar ka dhigan karaa kulanka FA Cup ee caawa ay la ciyaarayaan Bournemouth, iyadoo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyeyna uu laba gool soo dhaliyey.

Sannadkii hore ayay Arsenal Martinelli kasoo bixisay lacag dhan 7 milyan oo Gini, sida uu Ronaldinho rumaysan yahayna waqti badan kuma qaadan doonto in looga yeedho xulka qaranka Brazil.

Advertisements

“Waxaan hubaa inay aad u dhow dahay in markiisii ugu horreysay looga yeedho xulka Brazil, waanu u diyaarsan yahay. Taariikh ahaan, xulka qaranka lagama tixgeliyo da’da. Ronaldo wuxuu ahaa 17 jir markii uu u ciyaarayay Brazil, waxaana kasii dambeeyey Neymar iyo Jesus oo kaalmo muhiim ah ciyaaray iyagoo da’yar ah. Haddii aad leedahay tayada iyo hibada waxaad helaysaa fursad, duniduna waxay arki doontaa in Martinelli uu hibo leeyahay.” Ayuu raaciyey Ronaldinho.

Martinelli ayaa usbuucii hore Arsenal u dhaliyey gool uu kalidii kasoo shaqaystay oo uu kubadda kasoo qaatay goolkiisa horteeda ka hor intii aanu ka dhalinin Chelsea oo ay Stamford Bridge barbarro 2-2 ah dhibcaha ku wadaageen.

Comments are closed.