Weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku ayaa loo diiwaangeliyey rikoodh 71 sannadood jiray, kaddib markii uu guul ku hoggaamiyey kooxdiisa ciyaartii ay shalay ku garaaceen AC Milan.
Romelu Lukaku ayaa qayb laxaadle ka qaatay guul 3-0 ah oo ay Inter Milan ka gaadhay Milan oo ay isku magaalo yihiin, waxaana ciyaarta oo daqiiqado kooban socota uu ka shaqeeyey kubbad qurux badan oo uu Lautaro Martinez madaxa u saaray, iyadoo uu dhamaadkii ciyaartana kusoo xidhay gool uu ku burburiyey difaaca AC Milan.
Horyaalka Talyaaniga oo sagaalkii sannadood ee ugu dambeeyey ay si xidhiidh ah ugu guuleysanaysay Juventus ayay xili ciyaareedkan 11 dhibcood ka dambaysaa Inter oo hoggaanka haysa, laakiin Old Lady ayaa haysata laba ciyaarood oo baaqi u ah, kuwaas oo haddii ay guuleysato ay shan dhibcood ka dhigi doonto farqiga ay ka dambayso Inter.
Intii ay socotay ciyaartii xalay, Romelu Lukaku ayay kaamirooyinku si khaas ah u hayeen, waxaanay arrinta koowaad ahayd dagaalkii dhex maray isaga iyo Ibrahimovic kulankii bishii hore ee wareegga siddeedda Coppa Italia, kaas oo la eegayay falcelinta ay labada ciyaartoy ka bixiyaan.
Arrinta labaad ayaa ahayd laacibkan oo rikoodh taariikhi ah ka dhigayay ciyaartan haddii ay kooxdiisu guuleysato.
Romelu Lukaku ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee Inter Milan ah ee afar ciyaarood oo isku xiga goolal ka dhaliya AC Milan muddo 71 sannadood ah, waxaanu hadda galay taariikhdaas cajiibka ah.
Ciyaartoy Nerazzurri ka tirsan oo afar ciyaarood oo isku xiga goolal ka dhaliya Milan waxa ugu dambeeyey Benito Lorenzi oo sannadkii 1950kii sidan oo kale afar ciyaarood oo xidhiidh ah shabaqa Milan soo taabtay.
Dhinaca kalena, kooxda AC Milan ayay ugu dambaysay in ciyaartoy ka tirsan uu afar kulan oo xidhiidh ah uu Inter goolal ka dhaliyo xilli ciyaareedkii 1972-73kii, waxaanu ahaa Romeo Bonetti oo afka hore ee weerarka uga ciyaari jiray AC Milan.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora