Rodrygo Oo Magacaabay Qofkii Zinedine Zidane Ku Qanciyey In Isaga La Siiyo Rikoodhihii Labaad Ee Real Madrid Ee Xalay

Advertisements

Da’yarka Real Madrid ee Rodrygo ayay xalay u ahayd habeenkii ugu fiicnaa ee uu la qaatay Real Madrid, waxaanu beddel kusoo galay kulankii finalka Spanish Super Cup ay la ciyaareen Atletico Madrid oo ay ku guul-darraysteen inay wax goolal ah kala dhaliyaan.

Waqti dheeri ah oo lagu daray ayay labada kooxood heleen fursado ay goolal ku kala dhalin karaan, waxaana middii ugu caddayd ay ahayd fursad uu helay Morata oo uu si badheedh ah uga diiday Valverde oo kaadh casaan ah ku qaatay, taas oo haddii aanu go’aankaas adag qaaadan lahayn kooxdiisu guul-darraysan lahayd xilli dhamaadka waqtiga dheeriga ah aanay wax badan ka hadhsanayn.

Rikoodhadii koowaad ee Real Madrid waxa laagtay difaaca midig ee Dani Carvajal, laakiin waxa layaab noqotay in ciyaartoygii labaad ee usoo baxay Los Blancos in uu tuurto rikoodhaha uu noqdo Rodrygo iyadoo ay joogeen Luka Modric, Casemiro, Varane, Ramos iyo xiddigihii kale ee kooxdu, waxaana uu ku guuleystay in uu meel aanu goolhaye Oblak ku fikiri karin uu kubadda dhigo.

Go’aankan oo ay dad badan la yaabeen, waxa Zinedine Zidane ku qanciyey in uu rikoodhahaas u siiyo Rodrygo mid ka mid ah xiddigaha ugu magaca weyn kooxda oo hore usoo arkay awoodda uu da’yarkani u leeyahay inuu dhaliyo rikoodheyaasha.

Markii ay ciyaartu dhamaatay, Rodrygo oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday qofkii Zidane ku qanciyey in rikoodhaha labaad la siiyo isaga, mana aha xiddigaha ay isku waddanka yihiin sida Marcelo, Vinicius iyo Casemiro.

Advertisements

Rodrygo oo qofka sababta u noqday in tababaruhu fursaddaas siiyo magacaabayay ayaa waxa uu yidhi: “Markii ay go’aaminayeen cidda rikoodheyaasha laaganaysa, anigu waan sugayey maadaama ay joogeen ciyaartooyo khibrad badan. Kroos ayaa yidhi, waa in aan anigu qaato. Wuu ku adkaystay isagoo leh, ‘Rodrygo, Rodrygo…'”

Xiddigan da’da yar waxa kale oo uu ka sheekeeyey qaabkii uu ugu soo tababartay rikoodheyaaasha iyo haddii ay kubaddu abbaartay halkii uu la doonayey, waxaanu yidhi: “Waan ku tababartaa rikoodheyaaasha sidaas oo kale ah inkasta oo ay inyar sare uga yara kacday halkii ay caadiyan ka dhalin jiray. Tani waxay ka mid tahay maalmahaygii ugu wanaagsanaa. Waan ku riyoonayey waqtigan iyo inaan koob kula guuleysto Real Madrid.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.