Roberto Carlos Oo Ka Sheekeeyay Dhaqankii Kasoo Daahista Tababarka Ee Ciyaartoyda Real Madrid & Sidey Ula Dhaqmeen Macalimiintii Xiligaas.

Advertisements

Halyeeygii hore Brazil Roberto Carlos ayaa ka sheekeeyay arrimo ku saabsan macalimiintii soo maray kooxda Real Madrid wakhtigiisa, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Vicente del Bosque uu ahaa macalinka qura ee fahmi kara ciyaartoydiisa isagoo dhaqamada kooxda xitaa dartood u badalay.

Daafacii bidix ee ugu fiicnaa wakhtigiisa kubadda cagta ayaa qiray in macalinka reer Spain uu badalay wakhtiga tababarka maadaama uu garwaaqsaday in ciyaartoydiisa aysan wakhti hore soo kici karin, sidaas darteed uu galab u wareejiyay.

Roberto Carlos wuxuu ka dhawaajiyay xiriiradii ka dhaxeeyay ciyaartoydii waaweynaa ee Madrid wakhtigaas ku sugnaa iyo xiriiradii ay la lahaayeen tababarayaashii xilalka isku badalay.

Del Bosque wuxuu saaxiib fiican” ayuu Carlos u sheegay Canal 11 oo laga leeyahay Portugal.

“Uma baahnid shuruuc, ciyaariyahanka wuu yaqaanaa wuxuu qaban lahaa”

“Wuxuu noo fahmay si wanaagsan”

“Shaqada tababarka Isniinta iyo mararka qaar talaadada wuxuu ka dhigi jiray 5:00 galabnimo”

“Kama dhigin 11:00 barqanimo, sababtoo ah wuu ogaa ineysan qofna imaaneynin”

Kadib waxaa kooxa yimid Antonio Camacho, waxaa dhacay wax ka duwan wixii hore, sababtoo ah isaga saaxiib lama noqon ciyaartoyda, weyna adkeed in la xakameeyo qolka labiska maadaama laacibiin badan isugu yimaadeen.

“Wakhtigaas ciyaartoyda waaweyn waxey ahaayeen 7, wuuna qatar badnaa qolka labiska”

“Si fiican ayaan isku xakameyneynay mar walba, waxaan laheyn xiriir fiican, marka laga reebo Camacho kaas oo 10 maalmood ku soo afjarmay”

“Wuxuu yimid qolka labiska wuxuu salaamay qof walba, si dhab ah”

“Waxaan eegayay waxa uu rabo inuu yiraahdo – wuxuuna yiri qof walba waa inuu yimaado 7:00 aroornimo”

Advertisements

“Sida caadiga ah waxaan tababaranaa 10:30 barqanimo”

“Waxaan isku daynay inaan la hadalno si uu jadwalka u badalo, maadaama aysan aheyn caadadeena”