Rivaldo Oo Kooxdiisii Barcelona U Sheegay Shuruuda Kaliya Ee Uu Lionel Messi Kooxda Heshiis Cusub Ugu Saxeexi Karo

Advertisements

Halyeeyga kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa kooxdiisii hore u sheegay qaabka kaliya ee ay kabtankeeda wakhtigan ee Lionel Messi ugu qancin karto inuu sii joogo sanado kale walow heshiiskiisa haatan uu ku eeg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan socda.

Wararka ah inay midoobayaan Pep Guardiola iyo Messi ayaa noqday kuwo dib usoo aloosmay kaddib markii uu macalinka Manchester City heshiis kordhin laba sano ah u sameeyay kooxdiisa.

Dhinaca kale Messi ayaa markale toddobaadkan yidhi hadal muujinaya sida uu khaatiga uga taagan yahay dhibaatooyinka ku haysta Barcelona isaga oo yidhi “Waan ka daalay inaan markasta noqdo dhibka waxkasta oo kooxda ka jira”

Advertisements

Hadalada Messi ayaa yimid mudo kaddib markii wakiilkii hore ee Antoine Greizmann uu sheegay in qaabka tababarka Barcelona loo sameeyo si cid gaar ah raali-gelinaysa isaga oo ku xumaynayay Messi.

Rivaldo ayaa ugu horreynba sheegay inuu ka cabsanayo inuu sanadkani yahay midkii ugu dambeeyay ee uu Leo ku qaato Camp Nou isagoo u sababeeyay mushahar dhimista ay doonayso inay kooxdu samayso.

Dhinaca kale halyeeyga ree Brazil ayaa xusay in qaabka kaliya ee ay Messi ku joojin karto Blaugrana ay tahay inay sanadkan ku guuleysato ugu yaraan midkood Champions League ama La Liga amaba ay kubad qurux badan soo bandhigaan.

Rivaldo ayaa yidhi “Aniga ahaan kaliya ku guuleysiga Champions League ama La Liga xilli ciyaareedkan, ama inuu arko Koeman oo kooxda ciyaarsiinaya kubad qurux badan ayaa ka dhaadhicin karta Messi inuu dib u eego dookhyada uu haysto”

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*