Rio Ferdinand Oo U Sheegay Ed Woodward Sababta Ay Tahay Inuusan U Ceyrinin Tababare Ole Gunnar Solskjaer

Advertisements

Ed Woodward doqonimo ayay noqon doontaa inuu ceyriyo Ole Gunnar Solskjaer sida uu sheegay Rio Ferdinand kaasoo taageero u muujiyay tababaraha cadaadiska uu saaran yahay.

Daafaca oo 40 sanno jir ah ayaa aaminsan in maamulka kooxda ay ka warqabaan in tababaraha reer Norway uu u baahan yahay waqti uu qaab ciyaareedka ugu fiican ka soo saaro kooxda.

Ferdinand ayaa aaminsan in Woodward uusan doqon aheyn, laakiin waxa uu qirtay inay tahay in Solskjaer uu sarre u soo qaado kooxda sida ugu dhakhsiyaha badan.

Daaficii hore ee England ayaa u sheegay talkSPORT: “Ma jirto hab ay kooxda ugu fekeri karto inay ceyriso Solsljaer.

“Ma ahan kuwa doqomo ah oo ku fekeri kara inuu hal habeen ku bedelayo kooxda.

“Waxaa lagu jiraa waqtigii xanuunka la dareemayay, lamana joogo xaalad natiijooyinka ay dhankeena noqon karaan.

“Gaar ahaan iyadoo saxiixyo yar la sameeyay oo ciyaartoy da’da yar lagu tashanayo.

“Waa sababta aan u arkeynin isbedel toos ah. Lama filaan weyn ayay igu noqon doontaa inaan soo kaco subixii oo aan akhriyo inuu si dhaqso ah u baxay.”

Advertisements

Ferdinand ayaa sheegay inuu sidoo kale la yaabay islamarkaana ay niyadjab ku noqotay in Manchester United lagu qasbay inay ku tiirsanaato 21 jir ay ka soo iibsadeen Swansea City.

Daniel James ayaa xagaagii la soo iibiyay iyadoo loo arkayay xiddiga mustaqbalka laakiin waxa uu durbaba noqday xiddiga ugu qaab ciyaareedka fiican kooxda.