Rio Ferdinand Oo Niyadjabiyay Taageerayaasha Arsenal Xilli Ay U Dabaaldegayaan Hanashada Koobka FA Cup

Advertisements

Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Pierre-Emerick Aubameyang uu durbaba go’aansaday inuu ka tagayo Arsenal.

Weeraryahanka Gunners ayaa labo gool dhaliyay kulankii finalka FA Cup ee Sabtidii iyadoo kooxda Mikel Arteta ay 2-1 ku garaacday Chelsea iyagoo hantay koobka FA Cup.

Markii la weydiiyay mustaqbalkiisa ciyaarta ka dib Aubameyang ayaa u sheegat BT Sport: “Kama fekerayo taas haatan, waxaan la dabaaldegayaa asxaabteyda.”

Advertisements

Ferdinand ayaa aaminsan in weeraryahanka Arsenal oo hal sanno ay uga hartay qandaraaskiisa inuu bixi doono xagaagan.

Ferdinand ayaa yiri: “Waxaan qabaa in Aubameyang uu baxay marka la eego jawaabtaas uu bixiyay. Durbaba wuu go’aansaday.

“Waxaan la dabaaldegayaa asxaabteyda – waxay u dhawaaq egtahay qof meel kale u socda.

“Arsenal waa inay sameeyaan wax walba oo ay ku ceshan karaan. Wuxuu ahaa mid aan la rumeysan karin. Laakiin taageerayaasha Arsenal ayaa jecel. Miyuu aadayaa meel sidaas oo kale looga jecel yahay?”

Halyeeyga Chelsea Joe Cole ayaa isna ku biiriyay fekerkiisa isagoo aaminsan in Aubmeyang ay tahay inuu baxo.

Cole ayaa yiri: “Haddii aan isaga ahay oo ay kooxaha waa weyn i soo dalbadaan, waan bixi lahaa. Waxaan doonayaa inaan koobab waa weyn ku guuleysto”

Arsenal ayaa qiyaar u leh inay sannad ku kordhiso heshiiska Aubameyang laakiin haddii ay qodobkaas dhaqangeliyaan waxaa sidoo kale isna dhaqan galay qodob kale oo ah in mushaharka Aubameyang uu sarre u kaco taasoo ay Arsenal diidan tahay.

Advertisements
Advertisements
Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

3 Fekradood

  1. Auba wa laacib anga ahan hdu ka tago wa caadi lkn lacazette hala raciyo sido ke na dafacyo wngsn iyo werar ha kenan van persie ba iyo sanchez way baxeen walina wa dhisanhy auba hdu baxo micnheda ma ahn in arsenal ay werar kle so gdan karin

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*